23/08/2026
ISKAASHI MUHIIM AH OO DHEXMARAY PREMIER BANK IYO JAAMACADDA SIMAD
Guddoomiyaha Premier Bank, Dr. Mohamed Ghedi, oo ay weheliyaan masuuliyiin sare oo ka tirsan Bangiga, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Jaamacadda SIMAD, halkaas oo kulan muhiim ah ay kula yeesheen maamulka sare ee Jaamacadda, oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Jaamacadda, Dr. Abdikarim Mohaidin Ahmed.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac iyo sidii loo abuuri lahaa fursado cusub oo taageera adeegyada maaliyadeed, waxbarashada, hal-abuurka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.
Mid ka mid ah natiijooyinka ugu muhiimsan ee kulanka ayaa ah in ardayda Jaamacadda SIMAD ay hadda awood u yeelan doonaan inay khidmadaha waxbarashada ku bixiyaan taleefankooda gacanta, iyagoo adeegsanaya Premier Wallet, isla markaana aan u baahnayn inay si toos ah u tagaan xarumaha lacag-bixinta. Tallaabadani waxay fududeyn doontaa habka lacag-bixinta, isla markaana sare u qaadi doontaa adeegyada dijitaalka ah ee ay helayaan ardaydu.
Kulanka waxaa sidoo kale lagu falanqeeyay fursado iskaashi oo waaweyn oo la xiriira horumarinta dhaqaalaha iyo hal-abuurka, kuwaas oo ay ka mid yihiin taageeridda mashaariicda wax-soo-saarka iyo beeraha, si wax looga qabto caqabadaha ganacsiga iyo wax-soo-saarka gudaha.
Sidoo kale, labada dhinac waxay isla garteen in laga faa’iideysto tiknoolajiyada iyo xalalka maaliyadeed ee casriga ah si loo horumariyo adeegyada Jaamacadda. Waxaa ka mid ah xalalka awood u siinaya Jaamacadda inay si hufan u maamusho lacag-bixinnada iyo adeegyada macaamiisha marka ay lacaguhu ka imaanayaan dalal kala duwan oo caalamka ah (MPGS).
Intaa waxaa dheer, Premier Bank iyo Jaamacadda SIMAD waxay isla garteen inay iska kaashadaan horumarinta hal-abuurka, ganacsiyada bilowga ah iyo kuwa dhexe, iyada oo loo marayo LEAP Microfinance, iyo sidoo kale taageeridda Student Financing (Qardul Xasan), si ardaydu u helaan fursado waxbarasho oo ballaaran.
Iskaashigan wuxuu ka tarjumayaa himilada ay wadaagaan Premier Bank iyo Jaamacadda SIMAD ee ah horumarinta adeegyada bulshada, taageeridda waxbarashada, kobcinta hal-abuurka iyo dhisidda fursado waara oo wax-ku-ool ah oo bulshada Soomaaliyeed ka faa’iidaysato.