23/07/2026
Waxaa si rasmi ah noogu soo idlaaday ka-qaybgalkeennii Somali Banking & Financial Trade Show (SOBFITS 2026).
Muddadii uu socday bandhiggan, Galaxy International Bank (GIB) waxa uu si guul leh ugu soo bandhigay adeegyadiisa casriga ah boqolaal ka mid ah kasoo qaybgalayaasha, kuwaas oo isugu jiray macaamiil, marti sharaf, madax ka socotay hayโadaha dowladda, ganacsato, iyo daneeyayaasha waaxda maaliyadda.
Waxa sharaf weyn noo ahayd in booth-keenna ay booqdaan masuuliyiin heer sare ah, oo ay ka mid yihiin Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, madaxda Ururka Bangiyada Soomaaliyeed (Somali Bankers Association), iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda iyo hayโadaha maaliyadda.
Waxaan uga mahadcelinaynaa dhammaan martidii iyo booqdayaashii nagu soo booqday kalsoonida ay na siiyeen iyo xiisaha ay u muujiyeen adeegyada iyo xalalka maaliyadeed ee Galaxy International Bank.
Waxaan sii wadi doonnaa dadaalladayada ku aaddan bixinta adeegyo bangiyeed oo casri ah, ammaan ah, isla markaana door muuqda ka qaata horumarinta dhaqaalaha iyo kobcinta adeegyada maaliyadeed ee Soomaaliya.
Mahadsanidiin, waxaana rajaynaynaa inaan mar kale idinku aragno munaasabadaha soo socda.