04/03/2025
Dowladda El Salvador ayaa si rasmi ah u ogolaatay inay joojiso iibsashada lacagta Bitcoin kadib cadaadis xoogan oo uga yimid Hay’adda Lacagta Adduunka ee (IMF).
El Salvador ayaa lacag rasmi ah ka dhigatey Bitcoin sannadkii 2021, wuxuuna si weyn uga dhex muuqday suuqa crypto-da tan iyo xiligaas.
Sida lagu sheegay warbixin cusub oo IMF daabacday, El Salvador waa inay gebi ahaanba joojisaa iibsadhada Bitcoin, taas oo ka dhigan inaysan iibsan karin, soo saari karin, ama maalgelin ku samayn karin Bitcoin iyada oo loo marayo hay’adaha dowladda.
Sidoo kale, IMF waxay dalbatay in la burburiyo sanduuqii dowladda u sameysay iibsashada Bitcoin (Fidebitcoin) iyo in la helo xisaab xidhan oo lagu ogaanayo dhammaan hantida Bitcoin ee ay dowladda horay u maalgashatey.
Heshiiska El Salvador la gashay IMF wuxuu u ogolaanayaa inay hesho maalgelin dhan $1.4 bilyan, iyada oo la filayo inay fure u noqoto in ay heshi maalgelin dheeraad ah oo dhan $3.5 bilyan oo ka imaanaya hay’ado caalami ah sida Bangiga Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Latin America.
Madaxweyne Nayib Bukele, oo h**ey u dhaleeceyn jiray IMF, ayaa haatan isbeddel ku sameeyay mowqifkiisii h**e, isagoo ogolaaday in la beddelo sharciga Bitcoin ee dalkiisa. Sidoo kale, IMF waxay sheegtay in El Salvador aysan soo saari karin ama dammaanad qaadi karin amaah ama qalab kale oo xidhiidh la leh Bitcoin, taas oo si toos uga hor istaagteysa qorshihii ay dowladdu ku doonaysay inay ku hirgeliso Bitcoin Bonds oo loo adeegsan lahaa dhismaha Bitcoin City iyo kaabeyaasha macdanta.
Si kastaba ha ahaatee markii warkan soo baxay El Salvador ayaa iibsatey 5 Bitcoin oo u dhiganta xiligan $435,000.