Amal Bank

Amal Bank Welcome to Amal Bank, we are glad you are here. Amal Bank is a modern Islamic bank that offers a wide Based in Garowe and Mogadishu, Somalia.
(206)

Amal Bank is a modern Islamic bank that offers a wide range of financial products and services in Retail, Corporate, Institutional, Diaspora and Microfinance Banking. Amal Bank aims to be a leader in the financial services sector in the Horn of Africa through innovative, customized and shariah compliant financial products and services. The Bank is fully owned by Amal Group, a diversified global company that operates in various sectors: Microfinance, Money Transfer, Forex-exchange, Real Estate, Trade and Energy.

Amal Express Waxay Qabatay Tababar Heer Caalami ah si ay u Xoojiso Nidaamkeeda u hogaansanaanta AML/CFT ee Caalamiga ah....
27/08/2026

Amal Express Waxay Qabatay Tababar Heer Caalami ah si ay u Xoojiso Nidaamkeeda u hogaansanaanta AML/CFT ee Caalamiga ah.

Amal Express waxay muddadii u dhaxaysay 16–20 August 2026 qabatay tababar heer caalami ah oo ku saabsan Uhogaansanaanta Caalamiga ah, ( AML/CFT International Standards, Somali Regulatory Landscape, iyo Cross-Border Compliance Challenges).

Tababarkan oo si joogto ah loogu qabto Saraakiisha Uhogaansananta (Compliance officers) ee Amal Express, ayaa sanad-kan waxaa si buuxda uga qayb galay dhamaan Saraakiisha uhogaansanaanta Amal Express ee ka hawlgala gobollada iyo dalalka ay shirkaddu ku leedahay xarrumaha oo ay ka mid yihiin Somalia, Kenya, Uganda, Djibouti, United Arab Emirates (UAE), Europe, North America iyo Australia.

Intii uu tababarku socday, saraakiisha uhogaansanaantu waxay si qoto dheer uga wada hadleen, Xeerarka, Xeer-nidaamiyeyaasha iyo Hab-raacyada AML/CFT ee dalalka ay ka Hawl galaan, waajibaadka hay’adaha maaliyadeed iyo xawaaladaha, iyo caqabadaha ka dhasha hawlaha Macaamilada maaliyadeed ee ka gudba xuduudaha dalalka. (cross-border transactions). Sidoo kale, waxaa la wadaagay khibrado, casharro laga bartay, iyo talooyin wax-ku-ool ah oo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa u hoggaansanaanta xeerarka, Xeer-nidaamiyeyaasha iyo Hab-raacyada kala duwan ee wadamada ay Amal Express ka hawlgasho.

FURITAANKA TABABARKA
Tababarka waxaa si rasmi ah u daah-furay Gudoomiyaha Xawaalada Amal Mudane Abdulkadir Mohamud Osman (CEO), iyo Mudane Abdullahi Mohamed Sheikh, Guddoomiyaha Ururka Xawaaladaha Somaliyeed (SMSBA).

Labada mas’uul waxay si gaar ah u adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in si joogto ah loo xoojiyo aqoonta iyo awoodda Saraakiisha uhogaansanaanta (Compliance Officers), iyadoo la tixgelinayo isbeddellada joogtada ah ee ku yimaada heerarka caalamiga ah ee AML/CFT, shuruucda gudaha, iyo kuwa la xiriira adeegyada maaliyadeed ee xuduudaha ka gudba.

Waxay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen in aqoon-is-weydaarsiga, wadaagista khibradaha, iyo iskaashiga ka dhexeeya kooxaha uhogaansanaanta ay yihiin tiir muhiim u ah ilaalinta hufnaanta iyo hab-raaca shuruucda ee Amal Express.

TIKNOOLAJIYADA, NIDAAMYADA & U HOGGAANSANAANTA SHURUUCDA IYO XEERARKA.
(TECHNOLOGY, SYSTEMS & REGULATORY COMPLIANCE)
Sidoo kale waxaa Qayb muhiim ah ka ahayd tababarka Waaxda IT-ga ee Amal Express, oo uu hoggaaminayay Eng. Feisal Gelle, oo ay weheliyaan koox khubaro ah oo la shaqaysa.
Kooxdu waxay soo bandhigeen horumarro iyo isbeddello muhiim ah oo lagu sameeyay Amal Express System, iyadoo xoogga la saaray sidii nidaamka shirkaddu u noqon lahaa mid si hufan uga jawaaba shuruudaha iyo xeerarka kala duwan ee Ha’adaha Sharciyeynta iyo Kormeerka (Regulatory Authorities) ee waddamada ay Amal Express ka hawlgasho.
Isku-xirka uhogaansanaanta, Tignoolajiyada iyo Shuruudaha Sharciyeynta iyo Nidaaminta (Regulatory Requirements) ayaa muhiim u ah hubinta in nidaamyada shirkaddu si joogto ah ula jaanqaadaan heerarka caalamiga ah, isla markaana ay taageeraan maamul hufan, ammaan ah, oo waafaqsan shuruucda.

SHAHAADADA CADDEYNTA KA-QAYBGALKA (CERTIFICATES OF PARTICIPATION)
Gabagabadii tababarka, dhammaan saraakiishii ka qayb gashay waxay heleen Shahaadooyinka Caddeynta Ka-qaybgalka (Certificates of Participation), kuwaas oo caddeynaya ka qaybgalka iyo dhamaystirka tababarkan muhiimka ah.
Amal Express waxay sii wadi doontaa maalgelinta aqoonta, xirfadda iyo horumarinta shaqaalaheeda, gaar ahaan dhinacyada AML/CFT, U Hoggaansanaanta Shuruucda iyo Xeerarka Nidaaminta, Maareynta Khataraha, Tiknoolajiyada iyo U Hoggaansanaanta Xeerarka Maaliyada ka Gudubta Xuduudaha., si loo xaqiijiyo in hawlaheeda caalamiga ah ay mar walba waafaqaan heerarka iyo shuruucda khuseeya.

Amal Express — U Hoggaansanaanta Xeerarka, Daacadnimada iyo Heer-sareynta Shaqada .(Compliance, Integrity & Excellence)

Ku soo biir isticmaalka adeeggaa casriga ah ee Mycash oo maantaba lasoo deg
25/08/2026

Ku soo biir isticmaalka adeeggaa casriga ah ee Mycash oo maantaba lasoo deg

Amal Bank Mastercard
23/08/2026

Amal Bank Mastercard

Adeegga MyCash Fududeeyaha Nolosha
15/08/2026

Adeegga MyCash
Fududeeyaha Nolosha

10/08/2026
𝐀𝐦𝐚𝐥 𝐁𝐚𝐧𝐤 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐆𝐫𝐚𝐝𝐮𝐚𝐭𝐞 𝐅𝐨𝐫𝐮𝐦.Bangiga Amal waxa uu ka qayb galay oo door laxaadleh ka qaatay daahfurka Somalil...
10/08/2026

𝐀𝐦𝐚𝐥 𝐁𝐚𝐧𝐤 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐆𝐫𝐚𝐝𝐮𝐚𝐭𝐞 𝐅𝐨𝐫𝐮𝐦.

Bangiga Amal waxa uu ka qayb galay oo door laxaadleh ka qaatay daahfurka Somaliland Graduate Forum, oo lagu qabtay magaaladda Hargeysa, halkaas oo aanu dhalinyarada iyo ka qaybgalayaasha la wadaagnay adeegyadayada bangigu bixiyo sida

• 𝐌𝐚𝐬𝐭𝐞𝐫𝐜𝐚𝐫𝐝
• 𝐌𝐲 𝐂𝐚𝐬𝐡
• 𝐒𝐚𝐯𝐢𝐧𝐠 𝐚𝐜𝐜𝐨𝐮𝐧𝐭𝐬
• 𝐂𝐮𝐫𝐫𝐞𝐧𝐭 𝐚𝐜𝐜𝐨𝐮𝐧𝐭𝐬
• 𝐈𝐲𝐨 𝐚𝐝𝐞𝐞𝐠𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚

Waxaanu sidoo kale kasoo qayb galayaasha lawadaagnay fursadaha uu Bangigu u fidiyo dhalinyarada iyo bulshada, iyo doorka adeegyada maaliyadeed ee casriga ahi ku leeyihiin kobcinta fursadaha dhaqaale.

𝘼𝙢𝙖𝙡 𝘽𝙖𝙣𝙠 — 𝙃𝙤𝙧𝙪𝙢𝙖𝙧𝙞𝙣𝙩𝙖, 𝙌𝙤𝙛𝙠𝙖, 𝙌𝙤𝙮𝙨𝙠𝙖 𝙞𝙮𝙤 𝙂𝙖𝙣𝙖𝙘𝙨𝙞𝙜𝙖.

.

Ka Qaybgalka Annual Investment Fair for SMEs - BaydhaboWaxaan  ka qayb galnay Annual Investment Fair for SMEs, oo diirad...
09/08/2026

Ka Qaybgalka Annual Investment Fair for SMEs - Baydhabo

Waxaan ka qayb galnay Annual Investment Fair for SMEs, oo diiradda lagu saaray horumarinta ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe (SMEs), maalgashiga iyo xoojinta iskaashiga ganacsatada iyo hay’adaha maaliyadeed.

Munaasabadda waxaan kusoo bandhignay adeegyadeenna maaliyadeed, anagoo xoojinayna doorkeenna ku aaddan taageeridda ganacsiyada iyo kobcinta fursadaha maaliyadeed ee bulshada.

Ku raac MyCash Adeegga MyCash : Fududeeyaha nolosha
09/08/2026

Ku raac MyCash
Adeegga MyCash : Fududeeyaha nolosha

Bangiga Amal, Faraciisa Buuhoodle, ayaa si rasmi ah u daahfuray Adeegga Hooyo, oo ah barnaamij lagu taageerayo haweenka ...
06/08/2026

Bangiga Amal, Faraciisa Buuhoodle, ayaa si rasmi ah u daahfuray Adeegga Hooyo, oo ah barnaamij lagu taageerayo haweenka leh ganacsiyada yaryar.

‎Tababarro wacyigelin iyo kor u qaadista xirfadaha maaliyadeed, si loo kobciyo ganacsiyada haweenka loona xoojiyo fursadahooda dhaqaale.

‎"Hel Mudnaan Iyo Maalgelin".



U guur adeegga MyCash maanta!
05/08/2026

U guur adeegga MyCash maanta!

Address

WDJ, ZB-0202
Garoowe
090

Opening Hours

Monday 07:30 - 12:00
13:30 - 16:00
Tuesday 07:30 - 12:00
13:30 - 16:00
Wednesday 07:30 - 12:00
13:30 - 16:00
Thursday 07:30 - 12:00
Saturday 07:30 - 12:00
13:30 - 16:00
Sunday 07:30 - 12:00
13:30 - 16:00

Telephone

+252906790381

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Amal Bank posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Amal Bank:

Shortcuts

Share