Dahabshiil Group

Dahabshiil Group Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Dahabshiil Group, Financial service, Road 1, 2nd Floor, Dahabshiil Business Center, Hargeisa.

Dahabshiil Group, an esteemed African conglomerate established in 1970, has evolved into a dynamic force with a diverse portfolio spanning Banking, Money Transfer, Telecommunication, Oil & Gas, Utilities, and Automobiles across the Horn of Africa.

28/08/2026

Waxaa naga go’an inaan door muhiim ah ka qaadanno madalaha,
muhiimka ah ee lagaga hadlo mustaqbalka ganacsiga, tiknoolajiyadda iyo hal-abuurka, isla markaana dhiirrigeliya fikradaha iyo fursadaha horseedaya horumar waara.

Shirkaddaha Dahabshiil Group ayaa qayb ka ahayd taabo-geliyayaasha Future Forum: Building the Future 2026, oo ah madal m...
27/08/2026

Shirkaddaha Dahabshiil Group ayaa qayb ka ahayd taabo-geliyayaasha Future Forum: Building the Future 2026, oo ah madal muhiim ah oo diiradda lagu saarayo horumarinta Ganacsiga, Tiknoolajiyadda iyo Hal-abuurka.

Madashan oo lagu qabtay magaalada Hargeysa, ayaa isu keentay ganacsato, hal-abuurayaal, khubaro tiknoolajiyadeed, dhalinyaro iyo daneeyayaal kala duwan, kuwaas oo ka wada hadlay fursadaha cusub ee ganacsiga iyo doorka tiknoolajiyaddu ku leedahay kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada.

23/08/2026

Xaaji Maxamed Siciid Ducaale Dahabshiil, oo loo aqoonsaday Ganacsadaha ugu Wanaagsan ee Sannadka 2026, Abaalmarinta ay bixiso π’π¨π¦πšπ₯𝐒π₯𝐚𝐧𝐝 π€πœπ‘π’πžπ―πžπ¦πžπ§π­ π€π°πšπ«ππ¬ πŸπŸŽπŸπŸ”.

Xaaji Maxamed Siciid Ducaale Dahabshiil, oo loo aqoonsaday Ganacsadaha ugu Wanaagsan ee Sannadka 2026, Abaalmarinta ay b...
22/08/2026

Xaaji Maxamed Siciid Ducaale Dahabshiil, oo loo aqoonsaday Ganacsadaha ugu Wanaagsan ee Sannadka 2026, Abaalmarinta ay bixiso π’π¨π¦πšπ₯𝐒π₯𝐚𝐧𝐝 π€πœπ‘π’πžπ―πžπ¦πžπ§π­ π€π°πšπ«ππ¬ πŸπŸŽπŸπŸ”.

Munaasibaddan oo ahayd madal lagu maamuusay laguna aqoonsaday shakhsiyaad iyo hay’ado mudan bogaadin, iyadoo lagu xusay waxqabadkooda, hoggaamintooda iyo raadadka wanaagsan ee ay bulshada ku leeyihiin.

Waxaa si gaar ah loo xusay doorka uu Xaaji Maxamed Siciid Ducaale ku leeyahay taageerada iyo horumarinta ganacsatada yaryar, garab istaagga joogtada ah ee dadka jilicsan iyo kuwa nugul, iyo kaalinta hoggaamineed ee uu ka qaato gurmadka iyo wax ka qabashada abaaraha iyo xaaladaha bini’aadantinimo ee ka dhaca Geeska Afrika.

Abaalmarintan qiimaha badan waxaa magaca Xaaji Maxamed Siciid Ducaale ku guddoomay Cabdiraxmaan Maxamed Siciid, Guddoomiye Ku-xigeenka Dahabshiil Bank, isaga oo uga mahadceliyay qabanqaabiyeyaasha munaasibadda iyo bulshada codkooda ku muujisay kalsoonida ay u hayaan waxqabadkiisa.

16/08/2026

Bangiga Caalamiga ah ee Dahabshil Bank International oo ka qaybgalay Shirweynaha 2-aad ee Qaran ee Maalgashiga Cuntada iyo Beeraha (NAFIS 2026).

Dahabshil Bank waxa uu dhiirrigelinayaa wax-soo-saarka dalka, maalgashiga beeraha iyo xaqiijinta sugnaanta cuntada.

Dahabshil Bank waxa uu u mahad celinayaa Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka oo suurtagalisay qabsoomidda shirkan.

10/08/2026

𝐌𝐚𝐑𝐚𝐝𝐬𝐚𝐧𝐒𝐝 𝐌𝐚𝐜𝐦𝐒𝐒π₯.

Waxa naga go’an inaan sii xoojino xidhiidhka qurba-joogta iyo dadka dalka jooga, annagoo u fududaynayna adeegyada ay u baahan yihiin, meel kasta oo ay joogaan.

09/08/2026

Magaalada Hargeysa ayaa lagu soo gabagabeeyey Shirweynaha Qurba-joogta, kaas oo muhiimad gaar ah u lahaa xoojinta xidhiidhka qurba-joogta iyo bulshada gudaha, isla markaana si weyn diiradda loogu saaray dhiirrigelinta maalgashiga iyo doorka qurba-joogtu ku leedahay horumarka dalka.

Jama Nour, Madaxa Hawlgalinta Dahabshiil Group, ayaa ka hadlay muhiimadda shirweynaha iyo kaalinta Dahabshiil ee isku xidhka dadka dalka iyo dibadda.

Magaalada Hargeysa ayaa lagu soo gabagabeeyey Shirweynaha Qurba-joogta, oo maalmihii u dambeeyay socday waxaana diiradda...
09/08/2026

Magaalada Hargeysa ayaa lagu soo gabagabeeyey Shirweynaha Qurba-joogta, oo maalmihii u dambeeyay socday waxaana diiradda lagu saaray sidii qurba-joogtu uga qayb qaadan lahayd maalgashiga iyo horumarka dalka.

Shirweynahan ayaa sidoo kale lagu xusay doorka muhiimka ah ee Dahabshiil Group ka qaadatay qabsoomidda shirkan iyo kaalinta ay ku leedahay isku xidhka dadka dalka jooga iyo qurba-joogta dibadda ku nool.

08/08/2026

𝐌𝐚𝐑𝐚𝐝𝐬𝐚𝐧𝐒𝐝 𝐌𝐚𝐜𝐦𝐒𝐒π₯.

Waxaan ku faraxsanahay kalsoonida aad nagu qabtaan.
Waxa naga go’an inaan sii xoojino isku xidhka qurbajoogta iyo bulshada ku dhaqan gudaha dalka , annagoo bixinayna adeegyo la isku halayn karo oo fududeeya isgaadhsiinta maaliyadeed, isla markaana taageera horumarka iyo wadajirka bulshada.

Shirkadaha Dahabshiil Group ayaa door muuqda ka qaatay Shirweynaha Qurba-joogta ee caawa lagu qabtay magaalada Burco ee ...
06/08/2026

Shirkadaha Dahabshiil Group ayaa door muuqda ka qaatay Shirweynaha Qurba-joogta ee caawa lagu qabtay magaalada Burco ee gobolka Togdheer, kaas oo qayb ka ah toddobaadka loogu talagalay xoojinta xidhiidhka qurba-joogta iyo bulshada gudaha.

Ka qaybgalka Dahabshiil Group ee shirweynahan ayaa mar kale muujinaya sida ay uga go’an tahay taageeridda bulshada, xoojinta xidhiidhka qurba-joogta iyo bulshada gudaha, iyo ka qaybqaadashada hindisayaasha horumarineed ee kor u qaadaya koboca dhaqaalaha iyo adeegyada casriga ah.

Address

Road 1, 2nd Floor, Dahabshiil Business Center
Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dahabshiil Group posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Dahabshiil Group:

Shortcuts

Share