05/07/2026
Bankiga Dhexe ee Maraykanka oo Maraya Isgoys Taariikhi ah: Kala-guurka Powell iyo Warsh
Bankiga Dhexe ee Maraykanka (Fed) ayaa gelaya mid ka mid ah xilliyadii ugu qallafsanaa muddo 113 sano ah oo uu jiray. Xilli uu Jerome Powell soo afjaray hoggaamintiisa, wuxuu kaga tegayaa hay’adda jawi ay hadheeyeen is-khilaaf gudaha ah iyo weeraro sharci iyo kuwo siyaasadeed oo kaga imaanaya Aqalka Cad. Waxaa booskiisa buuxinaya Kevin Warsh 15 ka bishan May, oo ah ninka uu madaxweyne Trump u magacaabay xilkaas, kaas oo dhaxlaya dhaqaale ay isku haysato sicir-barar aan la xakameenin iyo culays xooggan oo xagga siyaasadda ah oo Mw Trump kaga dalbanayo in hoos loo dhigo ribada(interest Rate ka).
⏺️Is Hor-istaagga Geesinimada leh ee Powell
Shirkii jaraa'id ee ugu dambeeyay ee Jerome Powell qabto 29-kii Abriil, 2026, wuxuu ahaa mid taariikhi ah oo ka fogaaday dhaqankii h**e ee bankiga. In kasta oo uu banneeyay kursiga Guddoomiyaha, Powell wuxuu ballan-qaaday inuu sii joogi doono Guddiga Maamulka illaa muddadiisa ay ka dhammaanayso sannadka 2028-ka. Tallaabadan ayaa loo arkaa mid uu ku difaacayo madax-bannaanida Bankiga Dhexe ee uu sheegay inay wajahayso weeraro sharciga baal-san oo uga imaanaya maamulka Trump.
Go'aanka Powell wuxuu yimid ka dib markii ay sii xumaadeen xidhiidhka labada dhinac, oo ay ku jiraan baadhitaanno ay samaysay Wasaaradda Caddaaladda iyo dacwad taariikhi ah oo hor taalla Maxk**adda Sare (Trump v. Cook), taas oo ku saabsan awoodda uu Madaxweynuhu u leeyahay inuu caydhiyo xubin ka tirsan Guddiga Fed-ka. "Waxaan ka walwalsanahay in weeraradani ay dhaawacayaan hay'adda," ayuu ka digay Powell.
▶️Ajandaha Warsh: "Isbeddelka Nidaamka"
Image
Qodabadda Warsh siyaasadiisa hor yaalla.
Kevin Warsh, oo h**e uga tirsanaan jiray guddiga Fed-ka intii u dhaxaysay 2006 illaa 2011, ayaa isu diyaarinaya wax uu ugu yeedhay "isbeddel nidaam" (regime change). Qorshihiisa waxaa ka mid ah:
Isbeddel Dhismeed: Dib-u-qaabaynta hannaanka shaqo ee gudaha ee Bankiga.
Kullammada Guddiga: Soo jeedin ah in la yareeyo tirada shirarka sannadlaha ah ee guddiga FOMC-ga kuwaas kulmo 8 jeer sanadkii si ay u go'aamiyaan ugana doodan jarista ama kor u qaadis Ribadda( Interest Rate ka)
Siyaasadda Lacagta: In kasta oo uu Congress-ka u ballan-qaaday madax-bannaani, haddana Madaxweyne Trump ma qarin inuu ka filayo Warsh inuu si degdeg ah hoos ugu dhigo heerka ribada.
Si kastaba ha ahaatee, Warsh wuxuu wajahayaa kalsooni-darro xagga madax-bannaanida ah; ra'yi-ururin ay samaysay CNBC ayaa muujisay in kala badh dhaqaalayahannadu ay shaki ka qabaan inuu ka madax-bannaan karaan doonista Aqalka Cad.
⏺️Caqabadaha Dhaqaale iyo Guddiga oo Kala Qaybsan
Guddoomiyaha cusub ma heli doono jid sahlan. Shirkii FOMC ee dhacay 29-kii Abriil, waxaa go'aannada diiday afar xubnood, taas oo ah tiradii ugu badnayd ee khilaaf ah muddo 34 sano ah.
Warsh wuxuu ku qasbanaan doonaa inuu maareeyo guddi u janjeera dhanka xannibaadda (Hawkish) oo ka horyimid dhimista ribada xilligan. Xogta dhaqaaluhuna weli waa mid adag:
Sicir-bararka: Qiimaha macmiilka (PCE) ayaa weli ka sarreeya 3%, waxaana kasii daraya canshuuraha ganacsiga iyo qiimaha tamarta ee kacsan sababtuna tahay colaadda u dhaxaysa Maraykanka iyo Iiraan.
Kobaca Dhaqaalaha: Kobaca wax-soo-saarka (GDP) wuxuu joogaa qiyaastii 2%.
Shaqada: In kasta oo shaqaalaysiintu gaabis tahay, heerka shaqo-la'aanta weli waa mid xasilloon.
Marka la eego xaaladdan, dhaqaalayahan badan ayaa aaminsan in "aanay jiri doonin wax dhimis ribo ah sannadka 2026".
❇️Gebogebadii: Khataraha Soo Socda
Xilli uu Warsh isu diyaarinayo inuu guddoomiyo shirkii ugu horreeyay 16–17 Juun, culaysku waa mid aad u sarreeya. Waa inuu hoggaaminayaa guddi ay ku jiraan xubno h**e, iyadoo Powell-na uu weli qolka fadhiyo isagoo ah "awood labaad" oo loollan keeni karta.
Masiirka madax-bannaanida Bankiga Dhexe wuxuu ugu dambayn ku xidhnaan doonaa go'aanka Maxk**adda Sare ee dacwadda Trump v. Cook iyo siddoo kale in kor laalo kiiska dacwadda kadhanka ah Powell ee la xidhidha dhismaha aqalka FEDKA.
Gudoomiye Warsh ma wuxuu u xaglin doona dhanka xogta dhaqaalaha ama cadaadiska siyaasadeed ee maamulka, waxay go'aamin doontaa dhaxalkiisa iyo mustaqbalka bankiga dhexe ee Maraykanka.
Qodobaddan isbedelka siyaasadeed waxay sameen togan (positive ah) ama mid Tabban (negative) ku noqon doonaan suuqyadda dhaqaalaha dhamaantood marka lagasoo laabto dagaalka IIRAN marinka hormuz dib loo furo.
Akhris wanaagsan/asxaabtadana la wadaag