Amana Bank

Amana Bank Amana Bank is a fully fledged Shariโ€™ah compliant bank to be approved by the Central Bank of Somali

Hambalyo Ku Guuleystayaashii bandhigii SOBFITS-2026 iyo Amanapay Spin & WinWaad ku mahadsan tihiin Isticmaalka adeegayad...
29/07/2026

Hambalyo Ku Guuleystayaashii bandhigii SOBFITS-2026 iyo Amanapay Spin & Win

Waad ku mahadsan tihiin Isticmaalka adeegayada Amana Bank iyo Amanapay

24/07/2026

Amana Bank | SOBFITS 2026

Laba maalmood oo ay ka buuxeen isbarasho, wada-shaqeyn, hal-abuur, iyo soo bandhigid adeegyo maaliyadeed oo casri ah.
Waxaan ku faraxsanahay fursaddii aan ugu soo bandhignay booqdayaasha adeegyada horumarsan ee Amana Bank iyo AmanaPay. Xiisaha, kalsoonida, iyo ka-qaybgalka firfircoon ee ay muujiyeen booqdayaashu waxay noo noqdeen dhiirrigelin weyn, waxayna caddeeyeen baahida sii kordheysa ee xalalka maaliyadeed ee casriga ah.
Waxaan aad ah ugu mahadcelineynaa dhammaan intii nagu soo booqatay booth-keenna, nala wadaagtay fikradahooda, isla markaana nagu dhiirrigelisay kalsoonidooda.
Mahadsanidiin, waxaana rajeynaynaa inaan mar kale idin kula kulanno dhacdooyinka soo socda.

23/07/2026

Amana Bank oo xasuusan mar walba doorka muhiimka ah ee haweenka Soomaaliyeed ku leeyihiin kobcinta dhaqaalaha dalka iyo horumarinta qoysaska.

Waxaan ku faraxsanahay booqashada ay xarunta bandhigga Somali Banking and Financial Trade Show noogu yimaadeen qaar ka mid ah macaamiisheena, kuwaas oo dhiirrigelin iyo kalsooni ka muujiyey adeegyada maaliyadeed ee aan u hayno bulshada.

Kalsoonida macaamiisheennu waa dhiirrigelinta ugu weyn ee nagu hoggaamisa horumarinta adeegyo casri ah oo daboolaya baahiyaha qoysaska, ganacsatada, iyo bulshada Soomaaliyeed.


Waxaan u mahadcelineynaa dhammaan intii nagu soo booqatay Amana Bank Booth intii uu socday Somali Banking & Financial Tr...
23/07/2026

Waxaan u mahadcelineynaa dhammaan intii nagu soo booqatay Amana Bank Booth intii uu socday Somali Banking & Financial Trade Show (SOBFITS 2026) maalintiisii labaad

Mahad gaar ah waxaan u diraynaa ganacsatada, dhalinyarada, bahda waxbarashada,haweenka, beeraleyda, hayโ€™adaha, shirkadaha, iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed ee nala wadaagtay fikradahooda isla markaana xiisaha u muujisay adeegyada casriga ah ee Amana Bank iyo Amanapay.

Sidoo kale, waxaan u mahadcelineynaa dhammaan ka qaybgalayaashii tartanka Connect Amanapay & Win a Spin. Aad ayaan ugu faraxsanahay ka qaybqaadashadiinna iyo taageeradiinna. Hambalyo dhammaan guuleystayaasha! ๐ŸŽ‰

Kulamadiinna, kalsoonidiinna, iyo taageeradiinnu waxay nagu dhiirrigelinayaan inaan sii wadno bixinta xalal maaliyadeed oo casri ah, ammaan ah, isla markaana fududeeya nolol maalmeedka bulshada Soomaaliyeed


23/07/2026

Maalintii labaad ee Bandhigga Bangiyada iyo Adeegyada Maaliyadeed ee Soomaaliya, waxaa xarunta bandhigga ee Amana Bank booqasho sharafeed ku yimid Macallin Cabdirahman Ibrahim (Macallin Kobac), oo ka mid ah aqoonyahannada iyo haldoorka muddada dheer ka soo shaqeeyay horumarinta waxbarashada dalka.

Intii uu booqashada ku joogay, Macallinku wuxuu bogaadiyey doorka Amana Bank ee horumarinta bulshada, isaga oo si gaar ah u ammaanay Adeegga Kobac, oo ah adeeg maalgelin loogu talagalay taageeridda koboca ganacsiyada iyo horumarinta fursadaha maalgashi.

Waxaan uga mahadcelinaynaa Macallinka booqashadiisa qiimaha leh iyo dhiirrigelinta uu u muujiyey dadaallada Amana Bank ee horumarinta adeegyada maaliyadeed iyo taageeridda koboca dhaqaalaha dalka.




Waxaa si habsami leh u socda maalintii labaad ee Bandhigga Bangiyada iyo Adeegyada Maaliyadeed ee Soomaaliya Somali Bank...
23/07/2026

Waxaa si habsami leh u socda maalintii labaad ee Bandhigga Bangiyada iyo Adeegyada Maaliyadeed ee Soomaaliya Somali Banking And Financial Trade Show, Waxaan ku faraxsanahay booqashooyinka iyo isdhexgalka macaamiisha iyo bahwadaagta. Maanta weli Amana Bank waa idiin joogtaa, adeegyadeennuna waa diyaar si ay uga jawaabaan baahi kasta oo maaliyadeed.

23/07/2026

Waxaan diyaar ku nahay Maalinta labaad ee bandhiga Somali Banking And Financial Trade Show,
Nagu soo booqo booth keenaa oo tijaabi nasiibkaga kuna guuleyso abaal marino qaali ah.
Sidoo kale adeegyadeenu waa diyaar.

22/07/2026

Maalinta koobaad ee Somali Banking and financial trade show (SOBFITS 2026) iyo Amana Bank oo idin keenay xalal casri ah kuwaas oo fududeynaya hawlaha maaliyadeed ee shaqsiyaadka iyo Ganasactada,

Waxana idiin keenay adeegyo casri ah kaas oo ah Amaan, Degdeg, oo meelkasta aad ku isticmaali kartid,

Nagu soo booqo booth-keena si aad uga faaโ€™iidaysato adeegyadeena casriga ah, una hesho xog ku saabsan xalalka maaliyadeed ee aan bulshada u diyaarinay iyo fursadaha gaarka ah ee aan idiin qorsheynay.

22/07/2026

Gudoomiyaha Daamaashaad Event Management oo ka warbixinaya adeegyada aan soo bandhigeeno iyo doorka muhiimka ah uu Amana Bank ka qaadanayo Bandhigga Somali Banking And Financial Trade Show,
Nagu soo booqo Booth Amana Bank oo qeyb ka noqo guuleystayaasha.

22/07/2026

Ma tahay ganacsade, xirfadle ama qof leh hal-abuur?

Amana Bank wuxuu kuu hayaa fursado maalgelin oo ku habboon ganacsigaaga, xirfaddaada iyo hal-abuurkaaga.

Nagu soo booqo Bandhigga Bangiyada iyo Hay'adaha Maaliyadeed Somali Banking And Financial Trade Show(SOBFITS), oo aan qeyb ka nahay, si aad u hesho:

๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ ๐ž๐ฅ๐ข๐ง ๐ค๐ฎ ๐ก๐ฎ๐›๐›๐จ๐จ๐ง ๐›๐š๐š๐ก๐ข๐๐š๐š๐๐š.
๐“๐š๐ฅ๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง ๐ข๐ฒ๐จ ๐ก๐š๐ ๐ข๐ ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐ซ๐Ÿ๐š๐ ๐ฅ๐ž๐ก.
๐…๐ฎ๐ซ๐ฌ๐š๐๐จ ๐ค๐š๐š ๐œ๐š๐š๐ฐ๐ข๐ง๐š๐ฒ๐š ๐ค๐จ๐›๐œ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ ๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š๐š๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐ก๐ข๐ซ๐ ๐ž๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐Ÿ๐ข๐ค๐ซ๐š๐๐š๐ก๐š๐š๐ ๐š.

Nagu soo booqo SOBFITS, hana seegin fursadda aad ku kobcin karto mustaqbalkaaga maaliyadeed!

Address

Trepiano
Mogadishu

Opening Hours

Monday 08:00 - 16:00
Tuesday 08:00 - 16:00
Wednesday 08:00 - 16:00
Thursday 08:00 - 16:00
Saturday 08:00 - 16:00
Sunday 08:00 - 16:00

Telephone

+252615528922

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Amana Bank posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Amana Bank:

Shortcuts

Share