15/08/2026
HAMBALYO IYO BOGAADIN 🎓🇸🇴
Hay'adda Iftin Foundation waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee ku guuleystay Imtixaanka Fasalka 12aad ee dugsiga sare, gaar ahaan ardayda kaalmaha h**e ka galay imtixaanka qaranka.
Kaalinta 1aad: Maxamed Ciise Daahir
Kaalinta 2aad: Farxiyo Faarax Cumar
Kaalinta 3aad: Aamina Khaalid Cabdalla
Guushiinnu waa mid lagu faano, kuna timid dadaal, adkaysi iyo dulqaad. Waxaan idinku dhiirrigelinaynaa inaad sii waddaan waxbarashada, aqoontiinnana kor u qaaddaan si aad kaalin muuqata uga qaadataan horumarka dalkiina.
Sidoo kale, waxaan hambalyo u diraynaa waalidiinta, macallimiinta iyo dhammaan bahda waxbarashada Soomaaliyeed dhabar adeyggii iyo dedaalkii ay ku bixiyeen guushaan.
Hambalyo dhammaan ardayda Soomaaliyeed,
Guul, aqoon iyo mustaqbal ifaya ayaan idiin rajaynaynaa.
Iftin Foundation
Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare
Efasom Somalia
Global Partnership for Education
Iftin Foundation
UNICEF Somalia
IOM Somalia