Wardheer Media

Wardheer Media | 𝗪𝗮𝗿𝗯𝗮𝗮𝗵𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗪𝗮𝗿𝗱𝗵𝗲𝗲𝗿 𝗠𝗲𝗱𝗶𝗮 | | 𝘄𝗮𝗿𝗮𝗿 𝗱𝗮𝗴𝗱𝗮𝗴 𝗮𝗵 | 𝗼𝗼 𝘅𝗮𝗾𝗶𝗶𝗾 𝗮𝗵 𝗼𝗼 𝗱𝗮𝗮𝗵 𝗳𝘂𝗿𝗮𝗻 |

War Cusub : Somaliland ayaa sheegtay inay taallo u dhiseeyso taleefankii ay ku wada hadleen Cirro iyo Netanyahu ee lagu ...
25/05/2026

War Cusub : Somaliland ayaa sheegtay inay taallo u dhiseeyso taleefankii ay ku wada hadleen Cirro iyo Netanyahu ee lagu aqoonsaday Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegey in Somaliland buuxisey dhammaan shuruudaha dal lagu noqdo [Mont...
24/05/2026

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegey in Somaliland buuxisey dhammaan shuruudaha dal lagu noqdo [Montevideo Convention] balse aysan buuxin Falastiin oo la aqoonsaday.

22/05/2026

Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa si adag uga hadlay go'aanka ay Somaliland ku doonayso inay Qudus safaarad uga dhisato, Isra11l halkaas dhul ay ka dhisato ka siisay sida ay u nuuqato.

Trump, wuxuu u dhaqaaqay dalka Cuba, halkaa oo ay u muuqato inuu ka raadinayo guusha uu ka waayay Iiraan.Wad-hadalladii ...
22/05/2026

Trump, wuxuu u dhaqaaqay dalka Cuba, halkaa oo ay u muuqato inuu ka raadinayo guusha uu ka waayay Iiraan.

Wad-hadalladii u dambeeyay ee la xiriira sida Mareykanka ula wareegayo Cuba, ayaa la sheegay inay ka dhaceen waaxda difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka, halka markabka diyaaradaha xambaara ee USS Nimitz uu gaaray meel u dhow xeebaha Cuba.

Waxyar ka hor , xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Marco Rubio ayaa warbaahinta u sheegay inuu dhammaaday waqtigii lala hadli lahaa Cuba , oo Trump uu isku diyaarinayo tallaabo la qaado.

Dhanka kale,Trump ayaa sheegay in saraakiil ka tirsan hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA inay ku sugan yihiin gudaha Cuba.

Dhammaan arrimahan waxay sii kordhinayaan hadalheynta ah in wax weyn ay ka socdaan Cuba ama qorshe cusub laga diyaarinayo halkaas.

Aan sugno waqtiga.

Iman Jama

21/05/2026

Diyaarad milatari oo ay leeyihiin Ciidanka Cirka Talyaaniga ayaa goordhow ka soo degtay garoonka diyaaradaha Muqdisho. Diyaaradda oo ka soo duushay Jabuuti ayay u badan tahay in ay soo qaaday boqolaal ka tirsan ciidanka daraawiishta Booliska Soomaaliyeed ee lagu tababaro dalkaas.

BOOSAASO: Wiil ayaa toorrey ku diley aabbihii, waa Maxamed Yuusuf oo toorrey ku diley aabbihii AUH Marxuum Yuusuf Bootaa...
19/05/2026

BOOSAASO: Wiil ayaa toorrey ku diley aabbihii, waa Maxamed Yuusuf oo toorrey ku diley aabbihii AUH Marxuum Yuusuf Bootaan oo Xildhibaan ka soo noqday Puntland.

Dhacdan naxdinta leh oo ka dhacday xaafadda Al-aqsa ayaa dadka qaar sheegayaan in wiilku la noolaa xanuun dhimirka ah, haatanna ay xidheen laamaha ammaanku.

19/05/2026

𝗦𝗮𝗳𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱 𝗼𝗼 𝘄𝗮𝗿𝗾𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗮𝗾𝗼𝗼𝗻𝘀𝗶𝗴𝗮 𝘂 𝗴𝘂𝗱𝗯𝗶𝘆𝗮𝘆 𝗺𝗮𝗱𝗮𝘅𝘄𝗲𝘆𝗻𝗮𝗵𝗮 𝗜𝘀𝗿𝗮𝗲𝗹..

𝗠𝗮𝘆 𝟭𝟵, 𝟮𝟬𝟮𝟲

Caawo oo kale, afar sano kahor, Hassan Sheikh wuxuu uga mahadceliyay siyaasiyiintii iyo saaxiibbadii Midowga Musharraxii...
17/05/2026

Caawo oo kale, afar sano kahor, Hassan Sheikh wuxuu uga mahadceliyay siyaasiyiintii iyo saaxiibbadii Midowga Musharraxiinta taageeradii ay ku gaarsiiyeen guusha isaga oo kaalinta saddexaad ku jiray, isaga oo u wada ballanqaaday wadaagis talo iyo xukun.

Afar sano kadibse, kuwii garabka u ahaa waxay caawa isku hor fadhiyaan jiidaha siyaasadda.

Maxay kula tahay, yaase qaldan muwaadin?

17/05/2026

𝐌𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐲𝐢𝐡𝐢𝐢𝐧 𝐡𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐰𝐚𝐚 𝐰𝐚𝐲𝐧 𝐞𝐞 𝐚𝐲 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚?

17/05/2026

Shiinaha ayaa hirgeliyay mashruucii ugu weynaa ee solar-ka badda lagu dul dhiso. Mashruucan ayaa koronto siinaya in ka badan 2.7 milyan oo qof oo ku nool meelaha u dhow magaalada Dongying ee gobolka Shandong.

Mashruuca waxaa laga dhisay meel badda gudaheeda ah oo qiyaastii 8 kilomitir u jirta xeebta. Taas ayaana ka dhigaysa Shiinaha dalkii ugu horreeyay ee sameeya mashruuc sidan u weyn oo noocaan ah.

Mashruuca wuxuu ka kooban yahay:
2.3 milyan oo qalabka qoraxda ah (solar panels)
2,934 biraha culus ah iyo 11,736 tiir oo lagu aasay gunta hoose ee badda.

Waxaa loo sameeyay inuu u adkeysto dabeylo aad u xooggan iyo barafka badda.

Waxaa sidoo kale la sheegay in solar-ka badda lagu rakibo uu soo saaro koronto ka badan tan laga helo solar-ka dhulka lagu rakibo, wax soo saarkaa oo kor u dhaafaya 15%.

Waxa kale oo xiiso leh in isla goobtaas laga sameeyay goobo kalluun lagu dhaqo, si loo kordhiyo kalluunka deegaankaas.

Address

Mogadishu

Telephone

+252618444531

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wardheer Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Wardheer Media:

Share