24/02/2026
Dahabka oo ka soo laabtay heerkii ugu sarreeyay 3 toddobaad, halka suuqyadu sugayaan tallaabada xigta ee Aqalka Cad.
Maanta Talaado, 24 Febraury,26, qiimaha dahabka ayaa hoos u dhacay in ka badan 1%, isagoo ka soo degay heerkii ugu sarreeyay ee 3 toddobaad. Gold (spot) wuxuu gaaray $5,174.68 per ounce, halka US futures (April delivery) ay istaageen $5,193.80.
Hoos u dhaca waxaa sababay laba arrimood oo waaweyn:
1-Dollar-ka Mareykanka oo kor u kacay 0.2% – taas oo dahabka ka dhigaysa mid qaali ku noqda dadka wata lacagaha kale.
2-Profit-taking – maalgashadayaal badan ayaa iibiyay kadib markii gold uu gaaray heer rikoor ah oo ku dhow $5,249.
🏛 Maxaa Saameynaya Suuqa?
Suuqyada ayaa si gaar ah u sugaya qorshaha canshuuraha ee Madaxweyne Donald Trump. Haddii siyaasadaha ganacsiga ay keenaan khatar dhaqaale ama xiisad geopolitics ah, gold wuxuu mar kale noqon karaa “safe haven”.
Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in aragtida guud ee gold weli tahay bullish. Haddii:
*Dollar-ku daciifo
*Xiisadda Bariga Dhexe kororto
Waxaa suuragal ah in gold uu jebiyo heerka $5,249 oo uu gaaro rikoor cusub.
🪙 Maxaa Ka Socda Biraha Kale?
Silver: $88.14 (hoos 0.1%)
Platinum: $2,160.69 (kor 0.3%)
Palladium: $1,748.50 (kor 0.3%)
Tani waxay muujineysaa in inkastoo gold uu yara degay, dareenka suuqyada biraha qaali ah guud ahaan uusan si buuxda u daciifin.
🎯 Gunaanad
Hoos u dhaca maanta ma ahan isbeddel trend weyn, balse waa nasasho ka dib koror xoogan. Su’aasha muhiimka ah waa:
➡️ Ma sii wadi doonaa gold doorkiisa “safe haven” haddii siyaasadda ganacsiga Mareykanka ay sii kiciso hubanti la’aan?
➡️ Mise dollar xooggan ayaa xadidi doona kororkiisa?
Suuqa hadda wuxuu ku jiraa marxalad sugitaan ah. Qofka maalgashanaya waa inuu la socdaa laba shay: Dollar movement iyo Trade policy signals.