Dayurad Ali

Dayurad Ali XagalSagaashana90°

22/02/2026

Deni for somalia

Awey abwanadii curin jiray suganta  maxay magac ku habon u curin wayen garaadka macmalka ah   dabcan magac garaadka macm...
16/11/2025

Awey abwanadii curin jiray suganta maxay magac ku habon u curin wayen garaadka macmalka ah
dabcan magac garaadka macmalka ah waa magac english ah oo sidiisa loo turjumay

Waxan u bahanahay magac somali ah inaan u helano aladan nolol maalmedkeena wax badan ka badashay

Soo dhowow magacii kula quman hooos nogu reeb

Work hard
15/05/2025

Work hard

18/11/2024

03/11/2024

just focus on your self

Old New
07/10/2024

Old New

Mogadishu Somali 🇸🇴
25/09/2024

Mogadishu Somali 🇸🇴


Waa duhur Sabti ah oo ay cadceeddu dul taagan tahay fagaaraha Carafo. Xujeey ka badan hal milyan iyo bar ayaa maanta taa...
15/06/2024

Waa duhur Sabti ah oo ay cadceeddu dul taagan tahay fagaaraha Carafo. Xujeey ka badan hal milyan iyo bar ayaa maanta taagan banka Carafo, oo 23KM dhanka bari uga beegan magaalada barakeysan ee Makka.

Saakay ayay halkan u soo kallaheen. Daafadaha dunida ayay ka kala yimideen, si ay u gutaan tiirka 5ᵃᵃᵈ ee Arkaanta Islaamka ee Xajka. Waayeel uu sanadkan xajku ugu horreeyo oo sidaas riyadiisii ugu rumowday ayaa ku badan. Fursad dahabi ah oo marla'arag ah ayay maanta haystaan. Farxad ay la wada ilmaynayaan ayaana laga dheehan karaa wajiyadooda.

Daqiiqado ka hor yay ka soo gaddoomeen Masjidka Carafo ee Namirah oo uu Sheekh Maahir Al-Muciiqili ugu jeediyay khudbada loogu tarjumayay 20 luqadood, kuna tujiyay salaadaha duhurka iyo casirka oo ay soo gaabiyeen.

Alle deeqsi ah oo naxariis iyo dambidhaaf badan ayay marti iyo magan u yihiin. Gacmaha ayay kor u wada taagayaan. Waji iyo qalbi khushuucsan ayay Alle ku baryayaan. Ruuxdooda iyo qalbiyadooda ayaa duceynaya inta uusan afkoodu duceynin. Waxayna Alle ka rajaynayaan naxariistiisa iyo in ay xalay-dhalay ka noqdaan dambiyadii ka dhacay intii ay noolaayeen.

Dadkaas kala dhaqanka, kala midabka iyo kala luqadaha ah ee ka kala yimid dacallada dunida ayay Carafo maanta martigelinaysaa. Kuleylka qorraxdu maanta aad ayuu u ku kulul yahay, oo heerkulku waa 45°, balse xamaasadda iyo dareenka haya ayaa ka tan badiyay kuleylka qorraxda oo ay qaarkood dallado uga gaashaanteen.

Maxabbo iyo isjaceyl walaalnimo ayaa ka wada muuqato, oo isku salaamayaan. Shanfaroofle isma fahmi waayo, oo af Carabi jajab ah ayay ku wada hadlayaan. Maanta lama kala labis qurxoona, oo isku dhar ayay xiran yihiin maalqabeenka sanad kasta Xajka ku laalaabto iyo waayeelka xoolihiisii soo xarraashay si uu sanadkaan u xajiyo. Qabka, kibirka iyo kala-sarreyntu halkan k**a shaqeeyaan oo cidna maanta ma leh mudnaan gaar ah, mana ku kala sarreeyaan xilal oo halkan k**a jiraan mid madax ah iyo mid loo yahay.

Xajku waa Carafa. Halkan ayay maanta xujeydu ku wada gudanayaan rukniga ugu weyn Xajka. Maanta waa dharaarta uu Alle addoomadiisa ugu badan ka xoreeyo naarta. Waa maalinka ay ducadu ugu fadli iyo barako ka badan tahay, sida uu suubbanuhu i noo sheegay. Cunno maanta xoog uma helaan. Si aan kala joogsi lahayn ayay u duceysanayaan, waayo waxay la loollamayaan waqtiga, si uusan uga dhicin gabbalka maalinka fadliga badan.

Dad ka yar 1% ayaa sanadkan fursadda xajka ka helay muslimiinta ku dhaqan daafaha dunida oo ku dhow 2 bilyan. Balse fadliga maalinkan barakeysan ee Carafa kuma koobna xujeyda kaliya, ee waxaa maanta fursado dahabi ah oo loogu dabidhaafo u tahay muslimiinta aysan duruuftu u saamixin in ay xajiyaan, kuwaas oo soonka maalinkan ku muteysanaya dambidhaafka sanadkii h**e iyo kan soo socda, hadduu Alle idmo.

Gabbaldhaca ka dib ayay ka rogmanayaan Carafa, oo u dareerayaan Musdalifa, halkaas ayay caawa ku baryi doonaan, berri aroortiina uga sii kallihii doonaan Mina, oo ay ka sameyn doonaan dhagaxtuurka koowaad, xiirashada timaha, gowraca Allabariga, dawaafka kacbada, iyo in ay ku soo wareegaan Safa iyo Marwa.

Maalin Jimco ah oo ku beegan 1435 sano ka hor maanta oo kale, ayuu buurtaan taagnaa Nabi Muxamed ﷺ. Maalinkaas ayay halkan kula soo degtay aayaddii ugu dambaysay Qur’aanka, oo uu Alle ugu sheegay in ay Diintu halkan ku dhan tahay. Carafo ayuu Nabigu ﷺ asxaabtii kula hadlay, oo ugu jeediyay khudbad sagootin ah.

Wuxuu saxaabada kula dardaarmay in ay Qur’aanka iyo sunnada marjic iyo tixraac ka dhigtaan, wuxuuna uga digay in sheydaanku duufsado. Wuxuu ka warramay xurmada dhiigga, sharafka iyo xoolaha muslimiinta, wuxuuna ku boorriyay in ay is walaashadaan, kana fogaadaan wax kasta oo kala fogeyn kara. Wuxuu ka reebay dulmiga, tuugannimada, ribada, boobka xoolaha dadka, musuqa hantida muslimiinta, iyo in dadka danta yar loo xoogsheegto.

Wuxuu Nabigu ﷺ boorriyay ilaalinta amaanada, oofinta ballamaha, iyo adkeynta caddaaladda iyo sinnaanta. Wuxuuna ka digay qabyaaladda, aanada qabiilka, takoorka, iyo kala sarreynta. Wuxuuna sheegay in ay dadku siman yihiin, oo uusan jirin Carabku ka fadli badnayn Cajamiga, Cabsida Allena ay tahay waxa kaliya ee lagu kala horreeyo.

Wuxuu Nabigu ﷺ baraarujiyay xoojinta xiriirka qoyska, iyo xuquuqda ay lammaanuhu isku leeyihiin, wuxuuna ragga kula dardaarmay in ay u dhimriyaan, baarrina u noqdaan xaasaskooda, ayna siiyaan xushmada iyo xuquuqda ay mudan yihiin. Wuxuuna ka dardaarmay xiriirinta qaraabada. Wuxuuna dardaarankii ku soo gunaanaday: Allahayow marqaati iiga noqo in aan gaarsiiyay.

Eebbe acmaasha haka aqbalo walaalaha sanadkaan fursadda u helay xajka ee maanta taagan Banka Carafo, annagana ha naga aqbalo soonkii iyo acmaashii suubbanayd ee aan gudannay; hana i noo kaso in aan Carafo dul joogsanno sanadaha xiga.

13/06/2024

Damiirku haduu qalalo
Haduu dufan raadis yahay
Daliilka hortiis yaal
Waxakaga beegan daaah

25/05/2024

Xadaarad ay bulsho leedahay waxaa laga fiiriya inta jiil ee waxbartay ama magaalo joog ah

Jilalaka waxbartay ee daddka somaliyed waa afer nooc

1:kuwa hal jiil wax u barteen , bushadeena waxay ka yihiin 70%

2: kuwa laba jiil wax u barteen waxayna bulshada ka yihiin 15%

3: kuwa sadeex jiil wax u barteen waxayn bulshada ka yihiin 13%

F.g
Hadaad aragto Family sadex jiil wax u barteen waxan hubaa in family-gaas ay magalada iyo gobolka ay jogaan caan ka yihiin meel adagna kaga yaalan bushada

4: kuwa Afer jiil wax u barteen waxyna bulshada ka yihiin 2% , kuwaas waa dhif iyo naadir bulshada ma dhex dagaan badanaa waxay ku milgeen shucuubta ay la dageen .

Kala na siib badan qof awoowgiis labad waxbaray iyo qof hada isagu qoyskiisa jamacad u adayo .

Dhirtu haday hadli lahayd Maxay oran lahayd ?
24/05/2024

Dhirtu haday hadli lahayd Maxay oran lahayd ?

Address

Mogadishu

Telephone

+252619370453

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dayurad Ali posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Dayurad Ali:

Share

Category