19/06/2026
HAWLGALKII OPERATION DIAMOND
Israel waxay aad u danaynaysay lixdameeyadii inay wax badan ka ogaato hubka ay haystaan dawladaha Carbeed ee dariska la ah kuwaas oo ay kala dhaxaysay colaad aad u xun. Dawladaha Syria, Ciraaq, iyo Masar ayaa ugu tuktukroonaa dawladaha ay xilligaa is hayeen waxayna hub casriya ka helayeen Midawgii Soviet. Haddaba Israel waxay gu’aamisay in la diyaariyo hawlgal sirdoon oo dawladaha Carabta hubkooda cirka lagu helayo si baaritaan loogu sameeyo awoodda cirka ee ay diyaaradahooda dagaalku leeyihiin islamarkaana loogu diyaar garoobo iyadoo la adeegsanayo daraasadda lagu sameeyay qalabkooda.
Jean Thomas oo ahaa basaas Mossad ka tirsan ayaa 1962 dii loo diray dalka Masar si uu u dhexgalo ciidanka cirka ee Masar. Hadafka hawlgalku waa in mid kamida duuliyeyaasha diyaaradaha dagaalka lagu qanciyo inuu MiG - 21, oo xilligaa kamid ahaa diyaaradihii ugu casrisanaa dagaalka, ka dejiyo Israel, hal milyan oo dollarka Maraykanka ah, deganaansho rasmi ah, iyo shaqo joogto ahna laga siiyo Israel.
Thomas wuxuu la xiriiray Adib Hanna oo ka tirsanaa ciidanka cirka Masar, wuxuuna usoo bandhigay qorshihiisii uu ku doonayay MIGGA. Balse duuliyaha Masriga ah oo nin waddaniya ahaa wuxuu islamarkiiba u sheegay warbixinta Thomas dawladda, hawlgalkaasina wuu fashilmay, bishii December 1962 ayaa Thomas iyo laba xubnood oo la shaqaynayay lagu xukumay dil toogasho.
Muddo kaddib waxaa fursad kale kasoo bidhaantay dhanka Ciraaq. Yuusuf oo kamid ah Yuduudda Ciraaq ayaa gabadh ay sheekaystaan saaxiibteed waxaa qaba duuliye kamida ciidanka cirka ee Ciraaq oo la yidhaahdo Munir Redfa. Redfa waa mid cuqdad ka qabo inuu kasoo jeedo masiixiyiinta tirada yar ee dalkaas Ciraaq, wuxuuna aamminsanyahay sababta loo dalacsiinlaayahay inay tahay faquuq lagu takoorayo diintiisa. Waxaa kale oo uu cuqdad ka qaaday dhawr jeer oo lagu amray inuu duqeeyo Kurdiyiinta Ciraaq oo dawladda kasoo horjeeday, xasuuq ba’anna lagu samayn jiray. Yuusuf waxaa u soo baxday in Redfa diyaar u yahay inuu ka tago Ciraaq. Wuxuuna warbixintiisa la wadaagay xarunta Mossad ee Tehran, xilligaa xiriirka diblumaasiyadeed ee Iran iyo Israel ma xumayn.
Waxaa lasoo diray Aliza Magen oo ah basaasad ka tirsan Mossad balse dhalasho Maraykan ah haysata. Hadafka Magen waa inay la saaxiibto Redfa iyadoo iska dhigaysa gabadh Maraykan ah. Xoogaha markay wada socdeen, Redfa wuxuu u sheegay Magen cuqdaddii qalbigiisa dhaamisay, wuxuu u sheegay in qoyskiisa laga fogeeyay, inaan lagu kalsoonayn, in shidaal yar diyaaradda loogu shubo si uuna meel fog u gaarin. Muddo markay wada socdeen waxay ku qancisay Redfa, inuu Yurub ula safro si loola kulansiiyo madax sare oo ka socota Israel, waxaana loo sheegay haddii uu ku guulaysto hawlgalka diyaaradda, MiG-21-na kasoo dejiyo dalkooda, inay siinayaan hal milyan oo dollar, sharciga dalkooda iyo shaqo joogto ah. Redfa wuu aqbalay wixyaabihii loo soo jeediyay balse wuxuu codsaday in qoyskiisa iyo ehelkiisaba Ciraaq looga soo saaro oo Israel nabad lagu geeyo. Waa laga aqbalay waxaana Mossad hawshaa u xilsaartay unug ciidankooda kamid ah.
Redfa wuxuu mar kale u safray Israel si uu usoo arko garoonka ciidanka cirka ee uu ka dejinayo diyaaradda. Wuxuuna halkaa kula kulmay Taliyaha Ciidanka Cirka, Sarreeye Guud Mordechai Hod. Waxay kawada hadleen khatarta hawlgalka iyo khadka la isticmaali doono.
Xaaskiisa iyo caruurtiisa waxaa loo soo saaray visa dalxiis oo ay ku tagaan dalka Faransiiska, qoyskiisa intii kalena xudduudda Iran ayaa laga tallaabiyay sidaa ayaana Israel lagu geeyay.
Fursadda hawlgalku waxay timid 16 August 1966, halkaas oo uu Captain Munir Habib Jamil Rufa, ka duulay Ciraaq isagoo sii maray wuqooyiga Jordan, intuusan ka bixin hawada Urdun ayuu raadaarkoodu qabtay, waxayna ciidanka cirka Urdun la xiriireen ciidanka cirka Syria, balse ciidanka Syria iyagoon waxba hubsan ayay sheegteen diyaaraddii waxayna ku dheheen waa diyaarad taayada ah oo tababar ku jirta.
Redfa markuu galay hawada Israel waxaa ka horyimid laba diyaaraddood oo Dassault Mirage III ah oo uu Faransiisku farsameeyo, waxayna ku galbiyeen garoonka ciidanka cirka ee Hatzor Base. Mossad magacii ayay ka badaleen markay gacanta ku dhigeen diyaaraddii dagaalka, waxay u bixiyeen “007” iyagoo ku maamuusaya hawlgalka halista badan ee ay kusoo furteen.
Sirdoonka Israel magac wayn ayay ku heleen hawlgalkan. Diyaaradda ay soo xaddeenna waxbadan ayay ka caawisay dagaalladii ay la galeen Carabta iyo hanashadii buuraha Golan Heghts. Wuxuu hawlgalkan cirka ku tolay xiriirkii u dhexeeyay Maraykanka iyo Israel, kaddib markay gacanta kusoo dhigeen diyaarad xilligeedii ugu casrisanayd oo ay samaysay dawlad loollan awooddeed kala dhexeeyo.
Si ay guusha baal dahaba ugu qoraan dawladihii ay is hayeenna niyadda uga dilaan, Israel laba sano kaddib waxay saddex milyan oo dollar ku bixisay Filinka STEAL THE SKY, ee uu soo saaray John D. Hancock.