Somaliland dalkayga doodi kama furnaa

Somaliland dalkayga doodi kama furnaa DALKAYGA somaliland doodi kama furnna
Qaranimada jamhuuriyada somaliland waa lama tabtaan somaliland-

04/08/2026

Yaboohin Lacag la helay.

Ciidamada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan Saldhiga Booliska Wajaale, waxay baafinayaan cidda leh lacag laga helay gudaha magaalada Wajaale.
Qofkii ay lacagtaasi ka maqan tahay waxa laga codsanayaa inuu la xidhiidho Taliyaha Saldhigga Booliska Wajaale, isaga oo wata caddeymo ku filan oo lagu xaqiijinayo lahaanshaha lacagta, si loogu wareejiyo .
Xafiiska Warbaahint

Fashilka Hogaamineed ee Wasiirka Arrimaha Gudaha: Maxaa la gudboon Cabdalle Sandheere?W/Qoray: Axmed cabdiraxmaanUmmad k...
03/08/2026

Fashilka Hogaamineed ee Wasiirka Arrimaha Gudaha: Maxaa la gudboon Cabdalle Sandheere?

W/Qoray: Axmed cabdiraxmaan

Ummad kasta oo doonaysa dawladnimo adag, heerka isla-xisaabtanka iyo mas'uuliyadda madaxdu waxay ka mid tahay tiirarka ugu waaweyn. Dawlad kasta oo ku hawlan sidii ay u dhisi lahayd kalsooni bulsho iyo midnimo qaran, waxay lama huraan u tahay in madaxdeeda ay ku dhaqmaan hufnaan, daacadnimo, iyo mas'uuliyad sare. Isla-xisaabtanku wuxuu ka mid yahay tiirarka ugu muhiimsan ee lagu qiimeeyo waxtarka hoggaamiyaha, gaar ahaan marka uu xilkiisu taabto arrimaha amniga iyo nabadgelyada qaranka.

Nasiib-darro, gobolada Awdal iyo Salal oo ka tirsan Galbeedka Somaliland waxay imika in muddo ah la kulmayeen xaalad amni darro, taas oo si weyn u saamaysay dareenka bulshada. Arrintani waxay cadeyn u tahay fashilka weyn ee ku yimid maaraynta amniga qaranka. Mas'uuliyadda tooska ah ee xaaladdan waxaa leh Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Cabdalle Maxamed Carab, Sandheere, kaasoo xilka hayey muddo ku dhow sannad iyo siddeed bilood. Ilaa maanta may dhamaan ama wax horumar ah oo wayn lagama gaadhin sidii loo xalin lahaa colaadaha beeleed ee ka taagan goboladaas.

Asalka dhibaatada oo ahayd murankii ka dhashay qabashada xuskii buugga Xeer Ciise ee magaalada Saylac, oo markii danbe kiciyay dagaallo beeleed ka dhacay deegaannadaa Galbeedka. Wasiirku waxa uu marar badan tagay gobolka Awdal, isagoo in ka badan shan jeer u socdaalay hawlgallo nabadayn ah, isla markaana uu ku celceliyay bayaanno warbaahineed oo uu ku sheegay in nabadgelyo buuxda lagu soo dabaalday deegaanka. Si kastaba ha ahaatee, xaqiiqada rasmiga ahi waxay ahayd mid ka soo horjeeda hadaladiisa, maxaa yeelay shirarkii uu qabtay iyo heshiisyadii uu la saxeexday cuqaasha iyo duqayda deegaanku waxay noqdeen kuwo aan keenin nabad, balse mararka qaarkood saacado ama maalmo gudahood ku burburay, ka dibna waxaa dib uga qarxayay dagaal cusub. Tani waxay si cad u muujinaysaa in qaabka uu Wasiirku u waajaho xallinta khilaafaadku yahay mid aan wax midho dhal lahayn.

Iyadoo Dhanka kale, duqayda iyo odayaasha wax-garadka ah ee Gobolka Awdal, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda magaalada Borama, ayaa marar badan cabasho ka keenay wasiir Cabdalle iyagoo xukuumaddana ka fogaaday. Waxay odayaashu si furan ugu dhawaaqeen inay gabi ahaanba joojiyeen wada-shaqayntii ay la lahaayeen wasaaraddaArrimahaGudahaJSL.

Odayaashaasi waxay si toos ah Wasiirka ugu eedeeyeen in aanu daacad ka ahayn nabadaynta gobolka, isla markaana uu ku kacay aflagaado iyo khilaaf hurin u dhexeeya labada beelood, taasoo uga sii dartay colaadda h**e u jirtay. Eedeeymahan oo ah kuwo culus waxay ka tarjumayaan heerkii uu gaadhay kala qaybsanaanta iyo baaxadda fashilka wasiirka, maxaa yeelay ma aha wax fudud in odayaasha dhaqanka, oo ah tiirka dhexe ee nabadda deegaanku, ay go'aansadaan inay jaraan xidhiidhkooda rasmiga ah ee wasaaradda amniga.

Fashilka Wasiir Sandheere kuma koobna gobolada Awdal iyo Salal oo keliya, balse waxa uu leeyahay saamayn ballaadhan oo ku timid guud ahaan amniga iyo sumcadda Somaliland. Waxaa jira xaalado amni oo ka dhacay gobolada kale, iyadoo marar badan wasaaradda arrimaha guduhu awoodi weydo inay soo celiso kalsoonidii bulshada. Khasaaraha dhaqaale ee ay keeneen hawlgalladiisa nabadeed ayaa sidoo kale ahaa kuwo aad u weyn, halka ay dowladdu kaga baxday kharash badan iyadoon wax xal waara ah laga soo saarin. Kharashka faraha badan ee ku baxay safarada wasiirka iyo shirarkii aan natiijada keenin waxay wax ka tari lahaayeen horumarinta arrimaha bulshada oo baahiyo waaweyni ka jiraan.

Waxa kale oo mudan in la xusto in Wasiirku muddada uu xilka hayey uu ku mashquulay arrimo deegaan oo meel hoose ah, isagoo ka maqnaa qorshaha guud ee amniga qaranka, taasoo keentay in mararka qaarkood amniga dalku khatar galayay.

Dawlad kasta oo xilkas ah, madaxdeedu waa inay aqoonsadaan marka ay ku fashilmaan ballanqaadyadooda, in ay tallaabo qaataan si ay uga hortagaan burbur dheeraadka ah. Haddaba, marka la eego xaaladda dhabta ah ee maanta taagan, waxaa la gudboon in Wasiirka Arrimaha Gudaha uu qaato tallaabada is-casilaadda, taasoo fursad u siinaysa Madaxweynaha inuu soo xusho qof kale oo karti iyo daacadnimo leh, kaasoo xal cusub ka keeni kara dhibaatada dalka ka taagan. Sidoo kale, is-casilaaddu waxay noqonaysaa tusaale wanaagsan oo muujinaya in mas'uulku leeyahay dareen wadaniyadeed iyo mid mas'uuliyadeed, isagoo isku dhiiba halkii uu ka sugi lahaa in la eryo, taasoo ilaalinaysa karaamadiisa shaqsiyeed iyo midnimada guud ee qaranka.

Address

Hargeisa
77101

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somaliland dalkayga doodi kama furnaa posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share