Himilo Youth Association

Himilo Youth Association Himilo maanta, Hogaan barri!

“Ururka Himilo Youth Alliance waa ururka u taagan ka shaqaynta arrimaha dhalinyarada soomaliland”.

Taariikh: 27/05/2026Ku: Dhammaan Xubnaha Ururka  iyo taageerayaasha ururka Himilo Youth Association.Ujeeddo: Hambalyada ...
26/05/2026

Taariikh: 27/05/2026
Ku: Dhammaan Xubnaha Ururka iyo taageerayaasha ururka Himilo Youth Association.

Ujeeddo: Hambalyada Ciidul Adxada
Anigoo ku hadlaya magaca Guddoomiyaha Guud ee Himilo Youth Association, waxa aan hambalyo iyo bogaadin diirran u dirayaa dhammaan xubnaha, maamulka, taageerayaasha iyo guud ahaan bahda ururka munaasibadda barakaysan ee Ciidul Adxada awgeed.
Waxaan Alle SWT uga baryayaa inuu innaga aqbalo acmaasha wanaagsan, sannadkan sannadkiisana innagu gaadhsiiyo bashbash, barwaaqo, caafimaad iyo nabadgelyo. Ciidani ha noqoto mid xoojisa walaaltinimada, wadajirka iyo iskaashiga aynu ku dhisan nahay.
Sidoo kale, waxaan idiinka mahadcelinayaa dedaalka, wada-shaqaynta iyo kaalinta muuqata ee aad ku leedihiin horumarka iyo himilooyinka ururka. Midnimadiinna iyo kartidiinnu waa tiirka ugu weyn ee aynu ku gaadhi karno yoolka cad ee aynu leeyahay.
Ugu dambayn, waxaan idiin rajaynayaa inaad ku Ciidan farxad, rayn rayn, bash bash iyo barwaaqo.
Ciid Mubaarak.
Guddoomiyaha Guud:
Eng: M.Aamiin Cabdiraxmaan Siyaad.
Himilo Youth Association

21/04/2026

Maanta oo ay taariikhdu tahay 21 April 2026, ururka wacyigelinta iyo Arrimaha Dhalinyaradda ee Himilo youth Association waxa uu booqasho wacyigelin ah ku tagay Dugsiga Hoose/Dhexe ee Faadumo Biixi.
Taas oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha cusub ee ururka Eng: Maxamed Aamiin Cabdiraxmaan Siyaad oo ay weheliyaan Guddoomiyihii h**e ee ururka Khadar Mahdi Cabdi (Khadar Bulshaawi) iyo qaybo ka mid ah xubnaha ururka Himilo Youth Association.
Booqashadan ayaa ahayd mid muhiim ah oo aan kula wadaagnay ardayda iyo maamulka dugsiga fariimo wacyigelin ah oo ku saabsan muhiimadda waxbarashada, akhlaaqda wanaagsan, iyo doorka ay dhalinyaradu ku leeyihiin horumarka bulshada.

Ugu dambayn, waxa aanu si kal iyo laab ah ugu mahadcelinaynaa maamulka iyo ardayda Dugsiga Faadumo Biixi sida diirran ee ay noo soo dhaweeyeen.

Anigoo ku hadlaya magaca ururka HIMILO YOUTH ASSOCIATION, waxaan hambalyo iyo bogaadin ku aaddan munaasibadda barakaysan...
19/03/2026

Anigoo ku hadlaya magaca ururka HIMILO YOUTH ASSOCIATION, waxaan hambalyo iyo bogaadin ku aaddan munaasibadda barakaysan ee Ciidul Fidriga u dirayaa dhammaan ummadda Muslimiinta, gaar ahaan dhalinyarada iyo bulshada aanu wada shaqaynta dhaw leenahay.

Ciidul Fidrigu waa maalin weyn oo farxad, midnimo, is-cafis iyo walaaltinimo xambaarsan, kana dambaysa bisha barakaysan ee Ramadaan oo ay Muslimiintu ku soo gutaan cibaadooyin badan sida soonka, salaadda, sadaqada iyo samafalka. Waxaan Alle ka baryaynaa inuu naga aqbalo dhammaan camalkii suubanaa ee aynu bishaa Ramadaan ku gudanay.

Ururka HIMILO YOUTH ASSOCIATION waxa uu munaasibaddan qiimaha leh. uga faa'iidaysanayaa inuu ku boorriyo dhalinyarada iyo guud ahaan bulshada inay sii xoojiyaan midnimada, iskaashiga iyo horumarinta bulshada, isla markaana ay noqdaan kuwo ka shaqeeya nabadda, wanaagga.

Ugu dambayn, waxaan Alle ka baryaynaa in ciidan ciideeda inagu gaadhsiiyo caafimaad qaba, nabad, Bash-bash iyo barwaaqo.

Ciid Mubaarak dhammaan ummadda Muslimka ah.

Guddoomiyaha: HIMILO YOUTH ASSOCIATION

Khadar Mahdi Cabdi (Khadar Bulshaawi).
Himilo Youth Association
Himilo Youth Association

16/03/2026

Waxa shalay oo taariikhdu ahayd 15/March/2026 oo ku beegnayd 26 Ramadaan 1449, waxa kulan afur wadareed ah iyo is xaal waraysi dhex maray qaar ka mid ah hogganka ururka Himilo Youth Association.

Kulankan oo qayb ay ka ahaayeen:
● Guddoomiyaha Guud: Khadar Mahdi Cabdi( Khadar Bulshaawi)
● Xog-hayaha guud: Eng. Maxamed Amiin Cabdiraxmaan Siyaad
● Agaasime waaxdeedka tobarada iyo wacyi galinta: Xamse Maxamed Muuse
● Agaasime waaxeedka arrimaha dhalinyarada: Cabdiraxmaan Dayib Aw Axmed.
Kulankan oo daarnaa is xaal waraysi qoto dheer oo ku saabsan dar-dar galinta arrimaha ururka iyo shaqooyinkiisa, ayaa waxa uu ku soo dhamaaday jawi dagan iyo is af-garad.

Alle mahad leh.
Himilo Youth Association

بسم الله الرحمن الرحيم. Gudoomiyaha ururka HIMILO YOUTH ASSOCIATION mudane Khadar Mahdi Cabdi(Khadar Bulshaawi) isagoo m...
26/12/2025

بسم الله الرحمن الرحيم.

Gudoomiyaha ururka HIMILO YOUTH ASSOCIATION mudane Khadar Mahdi Cabdi(Khadar Bulshaawi) isagoo magaciisa iyo ka ururkaba ku hadlaya waxa uu dhambaal hampalyo u dirayaa dhamaan shacbii Weynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee maanta helay ictiraafkii ay muddo badan sugayeen kuna riyoonayeen.

Sidoo kale waxa uu u mahad naqayaa,bogaadinayaa ,una duceeynayaa Madaxweyne Qaranka jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo fuliyey mid ka mid ah ballan qaadyadii ugu waa weynaa ee u ballan qaaday shacabki xariirta ahaa ee ku doortay codkii aqlabiyadda lahaa kaas oo ahaa in ictiraafka keeni doono muddo xileedkiisa.

Sidoo kale waxa u mahad naqayaa dawladda Israa'iil iyo shacabkeega ku dhaca ay sameeyeen oo iba fur u noqon doona ineey aqoonsadaan dawladaha kale adduunka inshaa Allahu tacaalaa .

Ugu dambeeyntii waxa shacabka Jamhuuriyadda Somaliland u rajeeynayaa farxad, rayn rayn,bash bash iyo barwaaqo inuu u horseedo ictiraafkaasi.

Allaa mahad leh.

Af-hayeenka ururka HIMILO YOUTH ASSOCIATION Mushtaaq Mustafe Ducaale

-Youth-Association

Ururka Himilo youth Association waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay Khamiis 25/Dec/2025 uqabsoomay shirkii udambeeyay sa...
25/12/2025

Ururka Himilo youth Association waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay Khamiis 25/Dec/2025 uqabsoomay shirkii udambeeyay sanadka 2025 kaas oo lagu falanqeeyay oo lagu gorfeeyay qorsha sanadka soo socda ee 2026, Alle haynoo fudaydiyo dhamaan qorshayaayasha.

Shalay oo ahayd maalin Jimce ah taariikhduna ku beegnayd 24/10/2025 waxa noo qabsoomay laba tababar oo aad muhim ugu aha...
25/10/2025

Shalay oo ahayd maalin Jimce ah taariikhduna ku beegnayd 24/10/2025 waxa noo qabsoomay laba tababar oo aad muhim ugu ahaa xubnaha ururka HIMILO YOUTH ALLIANCE .

Waxaana soo kala jeediyey laba masuul oo ka mid haldoorka bulshada Somaliland waxaaney kala ahaayeen:
☆Xassan Maxamed Cabdi (Xassan daacad) oo soo jeediyey NGO's MANAGEMENT TRAINING
☆C/raxmaan Axmed Maxamuud (C/raxmaan Sameeco) oo soo jeediyey TEAM-WORK TRAINING.

Waxaan ugu horreyn u mahad naqaynaa ilaahay (SWC) inoo suurta galiyey tababarkaas qiimaha badan oo sal-dhig u ah shaqada baaxadda leh ee ururku qaban doono . Mar labaad waxaan u mahad naqaynaa labadaa haldoor ee waqtigooda noosoo huray, runtii wax badanna noo faa'ideeyey waxaanan leenahay Alle Abaalkiina jannada haka dhigo.

Ugu dambeeyntii waxaanu rajeeynaa tababarkaasi inuu noqdo mid anfaca guud ahaan xubnaha ururka HIMILO YOUTH ALLIANCE.

ALLE AYAA MAHAD LEH.
Himilo youth alliance.

18/10/2025

Xog-hayaha guud ee ururka HIMILO YOUTH ALLIANCE Eng.Maxamed Cabdiraxmaan Siyaad.

Waa hogaamiye ku suntan dadaal,karti,daacadnimo iyo firfircooi.

Himilo Youth Alliance.

14/10/2025

Gudoomiyaha guud ee ururka HIMILO YOUTH ALLIANCE mudane Khadar Mahdi Cabdi (Khadar Bulshaawi).

Waa qeyb ka mid ah qudbadii uu ka jeediyey kal-fadhigii koowaad ee ururka HIMILO YOUTH ALLIANCE isagoo kala hadlayey waxyaabaha ururka iyo xubnaha ururka looga baahanyahay.

Waa gudoomiye ku suntan hawl-karnimo,daacadnimo, aqoon iyo hogaamin wanaagsan.

Himilo youth alliance

Ururka Himilo Youth Alliance waa ururka u taagan ka shaqaynta arrimaha dhalinyarada soomaliland.  *U jeedada ururka: u j...
12/10/2025

Ururka Himilo Youth Alliance waa ururka u taagan ka shaqaynta arrimaha dhalinyarada soomaliland.
*U jeedada ururka: u jeedad ururku waa inuu qayb wayn ka qaato horumarinta, kobcinta, hal-abuurka iyo wacyi galinta dhalinyarada soomaliland.
*Aragtida dhaw ee ururka: aragtida dhaw ee ururku waa inuu ka mid noqdaa ururada arrimaha bulshada soomaliland waliba waa inuu noqdaa ka ugu saamaynta badan, ugu wax soo saarka badan, iyo inuu ka dhex muuqdo dalka soomaliland.
* Aragtida fog ee ururka: aragtida fog ee ururku waa in la helo dhalinyaro dhisan, kana dhisan Aqoon ahaan, xirfad ahaan, wacyi ahaan isla markaana leh Hal-abuurnimo, lana tartami karta dhalinyarada caalamka.
* ururku waa inuu noqdaa mid soo afjara qurunka qabyaalada, kala qoqob sannanta iyo kala qaybinta dhalinyarada soomaliland.

qaybtii koobaad.

Address

Hargeisa
Hargeisa

Telephone

+252634177826

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Himilo Youth Association posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Himilo Youth Association:

Share

Category