22/07/2023
Talooyin
1. Isku day mar walba in aad aqoontaada kordhiso.
2. Ilaali sirnimada arrimahaaga iskana ilaali muranka iyo hadalka badan.
3. Ha ka mid noqon dadka jecel in ay dadka kale saameeyaan, caadigaaga iska ahaw.
4. Ha yareysanin guulahaaga iyo naftaada hana u oggolaan cid kale arrinkaa.
5. Qofna ha baryin hana isku dulleynin, karaamada qofku waa qaali.
6. Go'aanadaada adigu qaado, qof aan adiga ahayn oo kaa fekeri karaa ma jiro.
7. Qadari qiimaha wakhtiga oo ha dayicin.
8. Dhegayso in ka badan inta aad hadlayso kuna dedaal in aanad badin ka hadalka dhibaatooyinkaaga gaarka ah.
9. Kuma qasbanid in aad qaadato wax kasta oo laguu yeedhiyo, qaado waxa ku anfacaya iyo waxa kuugu kaalmaynaya sameynta khayrka.
10. Waad u qalantaa in aad ku noolaato nolol farxad leh oo aad xaqiijiso waxa aad doonayso oo dhan laakiin arrinku iskama dhacayo uun bal se waxaa lagaa rabaa in aad u dedaasho.
11. Ka filo dhibaato dadka kale kana sug wax aan ku cajabin oo aan kuu qalmin iskuna day in aad ka gudubto arrimaha liita.
12. Dedaal la kaalay Ilaahayna u talo saaro arrimahaaga oo dhan.
13. Dhoollocadee marwalba.