21/03/2024
Ka soo qaad waxad dhalatay 1900.
Markii aad jirtay 14 sano waxa bilawday dagaalkii koowaad ee aduunka , dagaalkaas waxa ku naf-waayay 22 Million oo qof , dagaalkii ayaa dhamaaday adiga oo ah 18 jir .
Mudo gaaban ka dib waxa bilawday hargabkii ispaanishka , waxa ku dhintay dad gaadhaya 50 Million . Adiga waad badbaaday waxaadna jirtaa 20 sano . Markii aad gaadhay 29 jir waxa dhacay mushkilad dhaqaale oo caalamka oo dhan saamaysay , waxay keentay burbur dhaqaale , sicir barar , gaajo iyo shaqo la,aan baahsan.
Markii aad gaadhay 33 sano waxa soo if baxay hogaankii naasiyiinta . 39 sano markii aad jirtay waxa qarxay dagaalkii labaad ee aduunka , Waxaanu dhamaaday adiga oo jira 45 sano . waxaana ku dhintay dad gaadhaya 60 Million oo qof!.
Markii aad gaadhay 60 sano waxa bilawday dagaalkii gacanka kuuriya . Waxa xigay dagaalkii fiidnaam oo isna qarxay adiga oo 62 jir ah , wuxuuna dhamaaday adiga oo 75 sano jir ah!.
Qofkii dhashay 1990 kii wuxu aaminsan yahay in aanay awoowayaashii wax dhib ah soo arag. Balse taa badalkeeda rafaad iyo musiibooyin ayay u soo joogeen!.
Balse waxa ka daran kuwa dhashay 2000 iyo wixii ka danbeeyay oo moodaya inaanay jirin , musiibo ka weyn markii uu khadka internet-ku go'ay ama ay like u waayeen post ay soo dhigeen , barahooda kala wadan sida , Facebook Instagram iyo tiktok.
Anigu 1990 iyo 2000 dhexdooda ayaanu dhalanay oo midna kuma jirno .k*k