07/03/2017
Ka faa’idayso adeegga Q-Express Online
Ma doonaysaa in aad lacag u dirto ehelkaaga iyo asxaabtaada, adigoo gurigaaga ama goobtaada shaqo jooga?!.
Ma doonaysaa in aad ka nasato safarka iyo safafka dhaadheer ee aad u gasho xafiisyada xawaaladaha?.
Haddaba haddii jawaabtaadu “Haa” tahay, isticmaal adeegga Q-Express Online:-
1-Gal, www.qexonline.com
2- Xagga ugu sarreysa ee midigta ah ka dooro luuqadda aad rabto in aad adeegsato
3- Guji xagga sare midigtaada, halka ay ku qorantahay “Register”, dabadeedna is-diiwaangeli
4- Dooro inta ay la egtahay lacagta aad doonayso in aad dirto iyo nuuceeda (US ama EURO), dabadeedna guji “Calculate” si aad u ogaato qiimaha guud
5- Qor qofka aad doonayso in aad lacagta u dirto, adigoo raacinaya dhammaan war-bixinta looga baahan yahay
6- Dooro Bankiga aad doonayso in aad lacagta ka bixiso, dabadeedna ku isticmaal adeegga
7- Hubi xogta aad isticmaashay iyo qiimaha lacagta, dabadeedna dir