Cali fure cabdi

Cali fure cabdi Ku Soo biir Si aad U hesho maansooYin Quruxbadan

Jaamacada jigjiga ayaa hiigsanaysa meel sare  kadib markii horumar balaadhan  laga sameeyey oo dhinacyo badan
01/05/2024

Jaamacada jigjiga ayaa hiigsanaysa meel sare kadib markii horumar balaadhan laga sameeyey oo dhinacyo badan

17/03/2024

Iyadoo dhibaatadaa wada xumadu waligeedba jirtay shacabkuna iskaga dhibanaayeen uun
Hadana waa markii koowaad ee si toosa loo tuso xukuumada iyo cida ay khusayso mahadsanidiin
Inla soo bandhigo ayaaba wax wayna oo cidna looga sheekayn

Laamaha warbaahintu dhulkooda caalamka habaraan baan dhihi lahaa kawna k**a taagnee

Iska badin sida bahalka haw cunin Waa la suneeyaa wligaa dherega badan waa xaraan sida axadiistu noo sheegeen
13/03/2024

Iska badin sida bahalka haw cunin
Waa la suneeyaa wligaa dherega badan waa xaraan sida axadiistu noo sheegeen

It is big vision, but don't have financial Yes or no
13/03/2024

It is big vision, but don't have financial
Yes or no

04/02/2024

Markaan darisay waayaha
Noloshiyo duruufaha
Dadka maanta dunidiyo
Waxay daris wadaagaan

Alaw daw xalaaloo
Dulmi aan lahaynoo
Cidna lagu damaacinin
Diinta lagu hogaamiyo
Inkastoon diciif nahay
Intaan dunida joogiyo
Maalinkaan ka digo rogan
I daryeel alahayoow

Rag yaqaan ayaa tahay Raysamaal adoo kale Rixin baariyoo  kale Ruuneey adoo kale Rag yaqaan ayaa tahayMidaan raadinaayee...
04/02/2024

Rag yaqaan ayaa tahay
Raysamaal adoo kale
Rixin baariyoo kale
Ruuneey adoo kale
Rag yaqaan ayaa tahay
Midaan raadinaayee
Rafiiqayga nolosheen.
Risiq aan wadaagnana
Runtii waad uqalantaa
Haku daysto raxmaanku
Raga kaad ka jeceshahay
Rabi Wayne kugu Simo
Ree Wayne noqotaan

Inta shey uqaaliya Nolosheena shaafiyeyShilin Laguma gadankaroShugrigoo an badinaa NAFTA lagu shakaalaa
18/01/2022

Inta shey uqaaliya
Nolosheena shaafiyey
Shilin Laguma gadankaro
Shugrigoo an badinaa
NAFTA lagu shakaalaa

Waayaha soconayaa Hadba xaalad kugu simaSubixii yimaadana Waa saanad gooniyaXidhiidh baad samaysaa Sifihiisu gaar yahay ...
16/01/2022

Waayaha soconayaa
Hadba xaalad kugu sima
Subixii yimaadana
Waa saanad gooniya

Xidhiidh baad samaysaa
Sifihiisu gaar yahay
Sokeeyaad isbarataan
Iyo ruux Ku saacida
Kugu yeesha saamayn

Saamayntu waa laba
Mid wanaag samaysoo
Lagu socon Karaa Jira
Midna waa si Ku daran
Waxan uga socdaa taas
Si kastoy ahaataba
Waxan uga socdaa taa
Adu yeelo saamayn
Ad Ku socoto waligaa
Dadku yey Ku soocane
Intay adi Ku saamayn
Kaa dhigin sidoodaa
Adu yeelo saamayn
Kala daba socdaad noqon

Ruuxna yuuna adi Ku saamayn
Ee adu Wax saamayna yeelo
Ku salee wanaagana

Abwaan CFC

🇸🇴❤Hees Cusub Maryan🇸🇴❤           🇸🇴Abwaan   CF🇸🇴                  ❤ Maryaneey jacaylkii                  ❤Barigii imuda...
04/01/2021

🇸🇴❤Hees Cusub Maryan🇸🇴❤
🇸🇴Abwaan CF🇸🇴
❤ Maryaneey jacaylkii
❤Barigii imuday baa
❤ Wali sii mitidayoo
❤Meeshaad nagaatuu
❤Hadba soo mirkacayaa
❤Waxan wali malaystaa
❤Noloshayda marwadaan
❤Ismiciinsan dooniyo
❤Ma huraan inaad tahay
❤Maan kuu irmaan baa
❤Amaantaada Maaxdoo
❤Sida mawjadoo kale
❤Kuu milay darooroo
❤Macaaneey ku tabayaa
❤ Waayahaa mareegoo
❤Maareeya noloshee
❤Mudantii haweeniyo
❤Midii aan yaraantii
❤halistayda mudataan
❤Aanka maarsan waayee
❤Tolow maygu simayaa
❤❤ereyada macan❤❤
🇸🇴🇸🇴Abwaan cali fure (CF)🇸🇴🇸🇴

🇸🇴 Haduu waayo gabaniyo 🇸🇴🇸🇴 Waqti gaasiraayiyo 🇸🇴🇸🇴 Xaaladuhu gurdeeyeen 🇸🇴🇸🇴 Marna gaabin maayee 🇸🇴🇸🇴 Samirbaan guntad...
01/01/2021

🇸🇴 Haduu waayo gabaniyo 🇸🇴
🇸🇴 Waqti gaasiraayiyo 🇸🇴
🇸🇴 Xaaladuhu gurdeeyeen 🇸🇴
🇸🇴 Marna gaabin maayee 🇸🇴
🇸🇴 Samirbaan guntadayoo 🇸🇴
🇸🇴 Geediga hankaygaa 🇸🇴
🇸🇴 Ku rarnaa go aankay🇸🇴
🇸🇴 Waa gugii barwaaqda 🇸🇴
🇸🇴 Hanan jirayba goorahan 🇸🇴
🇸🇴 Riyadii ma gaagixin 🇸🇴
🇸🇴 loolidiyo gibishaa 🇸🇴
🇸🇴 Udgoonkii gufaacada 🇸🇴
🇸🇴 Galab khayrle curatoo 🇸🇴
🇸🇴 Jimcuu noogu soo galay 🇸🇴
🇸🇴 Waa gartayda guushuba 🇸🇴
🇸🇴 Inaan heersan gaadhee 🇸🇴
🇸🇴 Mahadaada guuloow 🇸🇴
❤❤❤❤❤❤
❤❤ Happy New Year ❤❤
Sanad barwaaqo
Alaw nooga dhig

■ Waqtigaan bishaariyo ■ Baryosamo ka sugayee■ Qalbigayga booskaad ■ Baxsaneey kuleedahay ■ Waa baro an tiri karin ■ Bar...
23/12/2020

■ Waqtigaan bishaariyo
■ Baryosamo ka sugayee
■ Qalbigayga booskaad
■ Baxsaneey kuleedahay
■ Waa baro an tiri karin

■ Barigii wacnaayee
■ An Bilownay caashaqa
■ Jacaylkaan bislayniyo
■ Aayahaan bayaaminay
■ Waqtigaa nabaacsaday
■ Beer nugaylka iga daa

■ Dareenkayga badanee
■ Adi Baahi kuu qaba
■ Wadnihiyo bogaygani
■ Aad ku beeran tahay baa
■ Dhayal kaga baxaynine
■ Bilis yahay hamoogaan

● waxan ahay libaaxoo ● leeleelka k**a helo ● iyo luqun jibaadhkoo ● laxaadkayga xoogaan ● laylkii habeenkii ● marka lay...
17/12/2020

● waxan ahay libaaxoo
● leeleelka k**a helo
● iyo luqun jibaadhkoo
● laxaadkayga xoogaan
● laylkii habeenkii
● marka laygu yara koco
● laalayda buuraha
● daad mareenka luuqyada
● lega jararka dhaadheer
● dabo jabiyo laagaha
● mar uun luqunta jabiyaa
● lega iyo sakaarkaan
● anu ladaaban karayaa
● ku ledaa sidaydaba
● oon laydhsanaysiyo
● tan liciifka uma baran
● waxan ahay libaax

● sidan waxa yidhi libaax

Ereyadana anigoo
Abwaan Cf ayaa ka qoray
Habeen wacan bahda facebook

Address

Jijiga

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Cali fure cabdi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share