Aragti Global media

Aragti Global media Freelance reporting

MW Somaliland Cabdiraxmaan Ciro ayaa sagootiyay wufuudii caalamiga ahayd ee kasooqaybgashay xuska 18 may
19/05/2026

MW Somaliland Cabdiraxmaan Ciro ayaa sagootiyay wufuudii caalamiga ahayd ee kasooqaybgashay xuska 18 may

19/05/2026

“Villa Somalia, waxaa noo fadhiya Xassan Sheikh oo madaxweyne h**e ah, lamana aqbali karro” RW h**e Xassan Cali Kheyre.

16/05/2026

17 May 1995 Koox ka tirsnayd ONLF ayaa ku dhawaaqday in shir uga socday isbuuc magaalada Harar golaha dhexe ee ONLF ay isbedel ku sameeyeen hogaankii ONLF, waxay doorteen golle dhexe oo cusub oo ka kooban 47 xubnood sida ay sheegteen. Waxayna doorteen hogaanka cusub oo ah sidan:
1. Bashiir Cabdi Xassan guddomiyaha ONLF
2. Adan Cismaan , guddoomiye ku xigeen
3. Cabdi Khaliif xoghayaha guud.
Waxay ku war geliyeen guddiga doorashada in ONLF oo ahaa xisbi ka diiwaan gashan guddiga doorashada uu ka qayb gelayo doorashada 1995 , may dhacaysay.

Arintani waxay timid ka dib markii ONLF ku dhawaaqday in aynan ka qay galaynin doorashada.

Inkastoo ay xiligaas guddiga doorashooyinka uu soo dhamaystiray murashaxiintii, doorashadana ayba ka dhiman tahay maalmo haddana waxaa loo ogolaaday in ONLF ka qayb gasho doorashada.

Doorashada waxaa dib loogu dhigay deegaanka Soomaalida ilaa june 1995.

Xisbiga leegada ayaa arintan diidmo ka keenay waxaase lagu wargeliyay in la aqbalay ka qay qaadashada ONLF.

Xubno ka soo jeeday beesha dhexe oo markaa ahaa musharaxiin madax banaan kana mid noqday ururka ONLF ee aqbalay doorashada ayaa loo ogolaaday in magaca ONLF isku sharaxaan, waxaa ka mid ahaa Khadar Macalin oo markii h**e ahaa musharax maddax banaan markii dambana madax weyne ka noqday deegaanka.

Waxaa wax laga bedely nidaamkii iyo goobahaii doorashada waxaana natiijadii noqotay :
139 xildhibaan:
75 waxaa ku guulaystay ESDL
18 ONLF
WSDP 15
Madax banaan 24
Metelaada baarlamaanka federaalka
23 ESDL

doorashadii ka h**eysay ee 1993:
Xildhibaanada 110
ONLF waxay heshay 68 (70)

Dagaal, loolan iyo is jiid jiid mudo socday waxay ku soo afjarantay in labadii xisbi ee ESDL iyo ONLF la mideeyo lana baxay the Somali People’s Democratic Party (SPDP) .
Faahfaahinta siday wax u dhaceenn la soco mar dambe.
✍️ Cabdiraxmaan maxamed warfaa

15/05/2026

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in uu fashilmay wada hadalkii ay kula jireen dowladda Faderaalka, sababo la xariira markii uu madaxweyne Xassan Sheikh diiday in lagalo heshiis siyaasadeed oo ku dhisan hannaan kala guur loo dhan yahay, is-afgarad qaran, iyomasuuliyad wadaag si looga gudbo firaaqa dastuuriga ah ee ka dhashay dhammaadka muddo xileedka Madaxweynaha oo ku ekaa Maantay 15-ka May 2026.

Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed (Ph.D) ayaa qasriga madaxtooyada ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Makron.
13/05/2026

Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed (Ph.D) ayaa qasriga madaxtooyada ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Makron.

Kulan u dhexeeya madaxweynaha Soomaaliya, wakiilada Caalamka, madaxweynaha Putland iyo xubin ka tirsan mucaaridka ayaa k...
13/05/2026

Kulan u dhexeeya madaxweynaha Soomaaliya, wakiilada Caalamka, madaxweynaha Putland iyo xubin ka tirsan mucaaridka ayaa ku soo dhammaaday xerada Xalane ee magalaada Muqdisho oo xarun u ah beesha Caalamka ee ku sugan Soomaaliya.
Kulankan waxa diirada lagu saaray sidii xal loogu heli lahaa is mariwaaga arrimaha doorashada ee xilligan ka taagan Soomaaliya.

13/05/2026

Trump oo kadegay Beijing

Deegaanka Tigray oo dhistay dawlad kadib markii ay afgambiyeen dawladii kumeelgaadhka ahayd ee dawlada federal kudhistay
05/05/2026

Deegaanka Tigray oo dhistay dawlad kadib markii ay afgambiyeen dawladii kumeelgaadhka ahayd ee dawlada federal kudhistay

Wararka ka imanaya deegaanka Tigrayga ayaa sheegaya, in Debretsion Gebremichael ayaa loodoortay madaxweynaha Deegaankaas...
05/05/2026

Wararka ka imanaya deegaanka Tigrayga ayaa sheegaya, in Debretsion Gebremichael ayaa loodoortay madaxweynaha Deegaankaas, kaddib markii TPLF ay kala dirtay maamulkii ku meelgaadhka ahaa.waxa xusid mudan cida dooratay oo ah baarlamaankii h**e ee deegaanka Tigray ee shaqaynayay dagaalki waqooyi kahor.
Xigasho andafta media 👇
https://www.facebook.com/share/1Ab7jLiaGw/

Ra’iisul Wasaaraha UK, Kier Starmer, ayaa booqday tuulo aad u yar oo ku taal UK, wuxuuna weydiiyay dadka tuulada waxa ay...
02/05/2026

Ra’iisul Wasaaraha UK, Kier Starmer, ayaa booqday tuulo aad u yar oo ku taal UK, wuxuuna weydiiyay dadka tuulada waxa ay dowladda uga baahan yihiin.

Afhayeenkii tuulada ayaa yiri: “Waxaan leenahay laba baahiyood oo waaweyn. Tan koowaad, waxaan leenahay xarun caafimaad, balse ma lihin dhakhtar.”

Starmer ayaa si degdeg ah u soo bixiyay taleefankiisa gacanta, wax yar ayuu ku hadlay, dabadeedna wuxuu yiri: “Waan xaliyay arrintaas, dhakhtar ayaa berri halkan imaanaya. Haddaba maxay tahay baahida kale?”

Afhayeenkii tuulada ayaa ku jawaabay: “Tuuladeenna gabi ahaanba ma leh wax signal ah oo taleefanka gacanta ah.”

Hadaba yaa sheegi kara xikmada ku jirta arintan?

Address

Jijiga
7000

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Aragti Global media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Aragti Global media:

Share