Abshir,dauud

Abshir,dauud Somali nationalist

02/06/2026

Hambalyo taageerayaasheyda ugu cusub! Waan ku faraxsanahay in aad igu soo biidheen! Cali Maxamed, Yaya Yusuf, Abdifatax Axmed Shiikh

24/05/2026
24/05/2026

Dowlada milatariga ee Burkina Faso ayaa si tartiib tartiib ah xidida ugu siibeysa shirkadaha shisheeye ee maamula dahabka Dalkaas, kuwaasoo hada luminaya awoodii ay halkaasi ku lahaayeen.

Sedexdii sano ee lasoo dhaafay, Dowlada Ibrahim Traore waxay dib u habeyn qoto dheer ku sameysay sharciyada macdanta ee Dalkaas, si loo yareeyo awooda ay halkaas ku leeyihiin Shirkadaha shisheeye ee sida wayn gacanta ugu dhigay maamulka macdanta dalkaas isla markaana loo xoojiyo oo kor loo qaado ka qaybgalka shirkadaha wadaniga ee Dalka Burkina Faso.

Dhamaadka sanadkii tagay ee 2025, lix kamid ah 15 shirkadood ee ka shaqeeya qodida iyo soo saarida macdanta iyo dahabka Dalkaas waxaa la wareegay shirkado wadani ah, sedex kamid ahna waxaa maamulkeeda si toosa ula wareegtay dowlada Dalkaas.

Arintaasi waxay muujisey isbadal taarikhi ah oo ku yimid maamulka macdanta dalkaas, taasoo horey gacanta ugu jirtay shirkado shisheeye oo ka faa'iidi jirey balaayiin dollar.

Hogaamiyaha Dalkaas, Ibrahim Traore wuxuu arrintaa ku tilmaamay isbadal muhiim u ah madax banaanida dhaqaalaha Dalkaas, wuxuuna sheegay inuu doonayo in dalkiisu uu soo saarto khayraadkiisa, kana faa'iideysto, halkii dadkiisa oo gaajoonaya ay shirkado shisheeye ka faa'iidi lahaayeen khayraadkooda, wuxuuna yidhi "Macdanta iyo dahabka annaga ayaa iska leh, annaga ayaa soo saareyna oo ka faa'iideysaneyna."

23/05/2026

La jirka SDM – I just got recognized as one of their top fans!

17/05/2026

XIISADA GOBALKA.

Maalmo kahor Maraykanka ayaa cunnaqabataynti ka qaaday Itoobiya iyo Eritrea. Maraykanka ayaa Itoobiya ugu yeedhay si dannaha gobalka ugu jiheeyan, maadama dhinacii kale Bariga dhexe xaalkisu adag yahay. Dagaallada laga cabsi qabo ee Sudan, Eritrea iyo guud ahaan amnigga mandaqada in lagalla arrinsaday.

Walaaca in dagaalka Eritrea qarxo ayaa xooggan_ waxaana dabka ku sii shidaya go'aankii TPLF tallada kula warreegtay, shirarka mucaaradka Itoobiya looga furay dalka Sudan iyo Itoobiya lafteeda oo kooxaha Eritrea ka soo horjeeda(Muslimiinta) u baaqday.

Kooxaha Canfarta fadhigoodu yahay ee Getachew iyo saraakisha kale TPLF ka soo horjeeda haggaan ayaa ku baaqay in ay Mekelle dibu-qabsanayaan. Ififaallo bilaw dagaal. Kooxaha hubeysan ee Axmarada oo aagagga dagaalka ballaadhiyay, kuwa lagu sifeeyay in taagere dalal kale helleen.

Masar iyo Eritrea, ayaa shalay heshiis galay. Waxaana kamid ah in arrimaha Dekeddaha iyo Badda ka wadda shaqeeyan. Tallaabo loo arko mid ka dhan ah doonnista marinka Badda ee Itoobiya.

Cabsi kale oo ay Itoobiya ka qabto in dagaal wakiilasho Masar ku soo qaado. Waxaana jira xoggo tibaaxaya in xoogagga dibadda laga taagero dhinaca Soomaliya laga abaabulayo. Waana sababta booqashada Abiye ee Godey, aan loogu arki karin kaliya mid warshad la xidhiidha_Kahortaga jidadka dagaallo wakiilasho kaga iman kara. Horreyna Abiye, isagaa u sheegay in arrimaha xasaasiga u qariyo, isagoo Qamandi ama mashaaric kale sawiro ku soo gallaya.

Shirka dalalka madaxda Geeska oo Jigjiga ka furmaya iyo mawduuca oo ah: Amnigga iyo xasiloonida Geeska. Itoobiya, oo wakhti galinaysa in hagaajinta cilaaqadka Jabuti u sii dhexmarto dhinaca Soomaliya.

Waxaa hubaal in dhari kar-karayo, goobaha cusub ee uu Itoobiya ka saameyn karana waxaa kamida Soomalida oo mashaarico Dowladda dhexe ay ahmiyad siinnayo ka socdaan- Shidaalka. Deegannada Axmarada,Tigreyga iyo meelo kale oo dabku horrey ayuu u gaadhay.

14/05/2026

Hussein Hussei

08/05/2026

Hambalyo taageerayaasheyda ugu cusub! Waan ku faraxsanahay in aad igu soo biidheen! Ayuu Hurdaye Hurdahe, Aariif Jamaal, Maymuun Cllahi Yusuf, Kaliifa Abdurro

Address

Jigjiga

Telephone

+251928238773

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abshir,dauud posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Abshir,dauud:

Share