07/01/2024
“Sida ku cad documentiyada heshiisku waxa uu soconayaa 50sano, balse dhinacayaga waxaan jeclaan lahayn inuu 99-sano ama 100sano noqdo. Meel la yidhaahdo Lughaya oo xadka Itoobiya u dhow ayayna dhaheen waanu idinka siinaynaa Saldhigga Milatari" Sidaas waxaa yidhi Ridwaan Xuseen, La-taliyaha Amniga Qaranka Raysal Wasaaraha Itoobiya oo u warramay warbaahinta dalkaasi.