25/08/2025
War-Saxaafadeed: SOOMAALIYA BEEC MA AHA!
Xildhibaan Soomaaliyeed oo Ku Gacan-Saydhay Heshiiska Madaxweynaha iyo Mucaaradka la Beeciyey
Anigoo ah xildhibaan si sharci ah loo soo doortay oo metela shacabka Soomaaliyeed, waxaan si cad, buuxda, iyo aan mugdi ku jirin u diidayaa war-murtiyeedka 25 Agoosto 2025 oo uu soo saaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo koox siyaasiyiin is-gataye ah oo isku magacaabay “Madasha Samatabixinta.” Dukumiintigaan ma leh sharci, ma leh siyaasad, mana leh sumcad; waxa uu yahay heshiis qiyaano ku dhisan oo dhex maray Madaxweyne horey u jabiyay dhaartiisii dastuuriga ahayd iyo koox siyaasiin fashilmay oo taariikh dheer ku leh musuqmaasuq, dano shaqsiyadeed iyo khiyaano qaran.
Dastuurka Federaalka Soomaaliya waa sharciga ugu sarreeya dalka sida ku cad Qodobka 4aad, wax kasta oo ka hor imaanayaana waa waxba k**a jiraan. War-murtiyeedkan waxa uu si toos ah u jebinayaa qodobkaas. Waxa uu dhaawacayaa Qodobka 3aad oo qeexaya in Soomaaliya tahay Jamhuuriyad federaal, midnimo iyo dimoqraadi ah oo ku dhisan rabitaanka shacabka. Waxa uu hareer marayaa Qodobka 60aad oo caddeynaya in Madaxweynaha uu ku doorto labada gole ee Baarlamaanka, isaga oo gelinaya ciyaar siyaasadeed iyo dad aan sharciyad lahayn. Waxa uu ku xad-gudbayaa Qodobka 97aad oo awoodda fulinta u qeybinaya Golaha Wasiirrada, balse war-murtiyeedkan ku ururinaya awood aan xad lahayn Madaxweyne sharci jebiyey. Waxa uu meel marinayaa in la hareer maro Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (Qodobka 111F), iyadoo doorasho lagu wareejinayo koox dano gaar ah wata.
Dhibaatada ugu weyn ayaa ah mucaaradka la baxay “Madasha Samatabixinta” kuwaas oo magac uun ku noolaa balse bulshada Soomaaliyeed ka dhaxlay kaliya musuqmaasuq, daciifnimo iyo hoggaan fashilmay. Maanta waxay si sharci darro ah isugu gacan geliyeen Madaxweynaha, iyagoo qaatay doorkii mucaarad dhab ah kana doorbiday in ay noqdaan aalad uu ku muujiyo sumcad been ah. Qoraalkan ay saxiixeen ma metelaayo shacabka Soomaaliyeed, ma metelaayo mucaarad dhab ah, mana metelaayo dimoqraadiyad. Waxa uu metelaa keliya baahidooda liidata ee ah in ay weli muuqdaan, iyo diyaarintooda ah in ay u adeegaan Madaxweynaha si uu ugu faa’iideysto qorshihiisa sharci-jebinta iyo iibinta Baarlamaanka.
Madaxweynaha ayaa jabiyay dhaartiisii ku xusan Qodobka 96aad oo ku waajibinayay in uu ilaaliyo Dastuurka iyo danaha shacabka. Halkii uu ka ilaalin lahaa, wuxuu ku takri-falay awoodda, wuxuu iibiyay Baarlamaanka, wuxuuna gashay heshiisyo sharci darro ah oo qarniyo lagu xasuusan doono. Mucaaradkan is-gataye waxayse sii xoojiyeen gefkaas, iyagoo siyaasadda u beddelay suuq ay nafahooda ku baayacmushtaraan, kana iibsanayaan mustaqbalka shacabka Soomaaliyeed.
War-murtiyeedkan waa mid aan sharci lahayn, waa mid aan siyaasad lahayn, waa mid dhimashadiisu ku qoran tahay maalinta la qoray. Waa heshiis dhex maray madaxweyne ku caan baxay sharci jebin iyo mucaarad ku caan baxay is-gadasho. Shacabka Soomaaliyeed waa uu diiday, Baarlamaanka waa in uu diido, sharciyaqaanada iyo garsoorka madaxa-bannaan waa in ay ku caddeeyaan inuu yahay waxba k**a jiraan. Taariikhda lafteeda waxay qori doontaa inuu ahaa khiyaano kale oo loo geystay qaran Soomaaliyeed oo soo maray qiyaanooyin badan.
Soomaaliya laguma xukumi karo heshiisyo qarsoodi ah oo lagu iibsanayo dastuurka, lagumana dhisi karo mucaarad daciif ah oo loo adeegsado sidii muuqaal siyaasadeed. Shacabka Soomaaliyeed waxay mudan yihiin dimoqraadiyad dhab ah, ma aha heshiisyo been abuur ah. Waxay mudan yihiin hoggaan sharaf leh, ma aha siyaasiin qaatay doorka jilayaasha la kiraysto. Waxay mudan yihiin dowlad sharci ku dhisan, ma aha isbahaysi musuq iyo masiibo siyaasadeed ah.
Dr. Abdillahi Hashi Abib - BA, MA, MASc, Ph.D
Member of Foreign Affairs Committee
Federal Republic of Somalia the House of People
Mogadishu, Somalia
MP- HOP #201 Awdal Region and Gebileh District
Leader of the Accountability and Transparency Caucus of the House of People
E: [email protected] / [email protected]
W: + 1-571-436-7586 M: + 252-6108-22469
> Daljir Media