11/12/2022
Ogeysiis:
Waxaa mar labaad iyo mar sadaxaad uga digeynaa macaamiisha sharafta leh ee Maalin Group LTD in ay soo bateen burcad ku qaraabata magaca iyo astaanta shirkadda Maalin Group, kuwaas oo dadka lacag uga uruursanaya. Waxaan idiin caddeyneynaa in aysan jirin wax lacag ah oo ay qabato shirkadda Maalin Group nooc kasta oo ay ahaato.
Kaliya shirkaddu waxay macaamiisheeda la wadaagtay warbixin ku saabsan dib u soo kabashada iyo ceyminta macaamiisha sida saxda ah isku diiwaangeliyay.
Burcadda caadeystay ku qaraabashada magaca shirkadda Maalin Group waxaan ku wargelinay hay’adaha ammaanka, Shirkadaha Telefoonka iyo Bankiyada dalka. Kol dhaw waxaan idinla wadaagi doonnaa magacyada iyo telefoonada burcadda ku qaraabata magaca shirkadda.
Group LTD
Mahadsanidiin