31/05/2026
BAYDHABO: Wasiirka Xannaanada Xoolaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hassan Hussein Mohamed (Eelay), oo wakiil ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ahna Musharraxa Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa deeq xoolo nool ah ku wareejiyey saraakiisha hay’adaha amniga ee qaybaha kala duwan.
Deeqdan ayaa loogu talagalay taageeridda ciidamada amniga, iyadoo lagu wareejiyey masuuliyiinta iyo saraakiisha hay’adaha kala duwan ee amniga ee ku sugan Baydhabo.