New Mogadishu Development Corporation - NMDC

New Mogadishu Development Corporation - NMDC The New Mogadishu Development Corporation (NMDC), a public-private partnership, is driving Mogadishu's transformation into a trade and logistics hub.

𝗢𝗚𝗘𝗬𝗦𝗜𝗜𝗦𝗡𝗠𝗗𝗖 𝗜𝗻𝘃𝗲𝘀𝘁𝗼𝗿 𝗥𝗼𝗮𝗱𝘀𝗵𝗼𝘄 𝟮𝟬𝟮𝟲 ayaa si rasmi ah loogu qaban doonaaAbriil 16, 2026 – MuqdishoMadal istaraatiiji ah o...
26/03/2026

𝗢𝗚𝗘𝗬𝗦𝗜𝗜𝗦

𝗡𝗠𝗗𝗖 𝗜𝗻𝘃𝗲𝘀𝘁𝗼𝗿 𝗥𝗼𝗮𝗱𝘀𝗵𝗼𝘄 𝟮𝟬𝟮𝟲 ayaa si rasmi ah loogu qaban doonaa
Abriil 16, 2026 – Muqdisho

Madal istaraatiiji ah oo lagu falanqeyn doono mashaariicda waaweyn ee Muqdisho Cusub, kuwaas oo uu ugu horreeyo 𝗡𝗲𝘄 𝗠𝗼𝗴𝗮𝗱𝗶𝘀𝗵𝘂 𝗜𝗻𝘁𝗲𝗿𝗻𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗔𝗶𝗿𝗽𝗼𝗿𝘁 - 𝗡𝗠𝗜𝗔.

Halkan nagala soco wixii update ah.

19/03/2026

𝐂𝐈𝐈𝐃 𝐖𝐀𝐍𝐀𝐀𝐆𝐒𝐀𝐍 ✨

Waxaan hambalyada iyo farxadda Ciidda la qaybsanaynaa dhammaan Ummadda Muslimiinta, gaar ahaan 𝐔𝐦𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝.

Waxaan idiin rajaynaynaa farxad, nabad, barwaaqo, midnimo iyo horumar waara.

Eebbe ha naga aqbalo acmaashii suubanaa, hana noo fududeeyo hirgelinta iyo dhismaha mashruuca qaran ee New Mogadishu International Airport - NMIA.

Warbixin soo koobaysa halka uu marayo mashruuca taariikhiga ah ee Garoonka Caalamiga ah ee 𝗡𝗲𝘄 𝗠𝗼𝗴𝗮𝗱𝗶𝘀𝗵𝘂 𝗜𝗻𝘁𝗲𝗿𝗻𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗔...
13/03/2026

Warbixin soo koobaysa halka uu marayo mashruuca taariikhiga ah ee Garoonka Caalamiga ah ee 𝗡𝗲𝘄 𝗠𝗼𝗴𝗮𝗱𝗶𝘀𝗵𝘂 𝗜𝗻𝘁𝗲𝗿𝗻𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗔𝗶𝗿𝗽𝗼𝗿𝘁 - 𝗡𝗠𝗜𝗔.

Waxyaabaha qabsoomay muddadii u dhexeysay 𝗗𝗲𝗰𝗲𝗺𝗯𝗲𝗿 𝟮𝟬𝟮𝟱 – 𝗠𝗮𝗿𝗰𝗵 𝟮𝟬𝟮𝟲, iyo heerarka ay marayaan kuwa dhamaaday, kuwa la bilaabay, iyo kuwa qorshaysan, dhammaantood waxaad ka arki kartaa warbixintan.

03/03/2026

𝗡𝗠𝗗𝗖 𝗜𝗻𝘃𝗲𝘀𝘁𝗼𝗿 𝗥𝗼𝗮𝗱𝘀𝗵𝗼𝘄 𝟮𝟬𝟮𝟲

This April, New Mogadishu Development Corporation - NMDC will unite investors and strategic leaders for a high-level investment event shaping the future of infrastructure and economic growth.

Insight. Strategy. Opportunity.

𝗔𝗽𝗿𝗶𝗹 𝟮𝟬𝟮𝟲
Date and venue coming soon.

𝘚𝘵𝘢𝘺 𝘵𝘶𝘯𝘦𝘥 𝘧𝘰𝘳 𝘮𝘰𝘳𝘦 𝘶𝘱𝘥𝘢𝘵𝘦𝘴.

Waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeynaynaa bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan.Ilaahay ha inaga dhigo kuwo ku so...
17/02/2026

Waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeynaynaa bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan.

Ilaahay ha inaga dhigo kuwo ku sooma farxad, caafimaad, iyo cibaado suuban.

Eebbe ha fududeeyo hirgelinta Garoonka Caalamiga ah ee 𝗡𝗲𝘄 𝗠𝗼𝗴𝗮𝗱𝗶𝘀𝗵𝘂 𝗜𝗻𝘁𝗲𝗿𝗻𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗔𝗶𝗿𝗽𝗼𝗿𝘁 – 𝗡𝗠𝗜𝗔.

Soonqaad Wanaagsan 🌙.

04/02/2026

Waxaa si rasmi ah u soo idlaaday naqshadeynta guud ee Garoonka Caalamiga ah ee 𝗡𝗲𝘄 𝗠𝗼𝗴𝗮𝗱𝗶𝘀𝗵𝘂 𝗜𝗻𝘁𝗲𝗿𝗻𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗔𝗶𝗿𝗽𝗼𝗿𝘁 (𝗡𝗠𝗜𝗔), tallaabo muhiim ah oo horay loogu qaadayo hirgelinta kaabeyaasha dhaqaalaha ee mashaariicda Muqdishada Cusub.

Mashruucani wuxuu ka tarjumayaa aragtida New Mogadishu Development Corporation - NMDC ee horumar waara, isku-xirnaan caalami ah, iyo dhismaha mustaqbalka kaabeyaasha Qaranka.


Qubaro iyo maal-gashadayaal caalami ah ayaa booqasho rasmi ah ku yimid Xafiiska Hindisaha Horumarinta Muqdishada Cusub (...
26/01/2026

Qubaro iyo maal-gashadayaal caalami ah ayaa booqasho rasmi ah ku yimid Xafiiska Hindisaha Horumarinta Muqdishada Cusub (New Mogadishu Development Corporation - NMDC), iyagoo muujiyay xiise xooggan oo ku aaddan maalgashiga Garoonka Caalamiga ah ee New Mogadishu International Airport - NMIA iyo Aagga Dhaqaalaha, kuwaas oo qeyb ka ah mashaariicda istiraatiijiga ah ee Muqdishada Cusub.

Booqashadani waxay ka tarjumaysaa kalsoonida sii kordheysa ee daneeyayaasha mashaariicda NMDC ee ku aaddan fursadaha maalgashi, iyo aragtida NMDC ee dhismaha garoon caalami ah iyo magaalo casri ah oo waarta.



Xafiiska Hindisaha Horumarinta Muqdishada Cusub (New Mogadishu Development Corporation - NMDC) waxaa booqasho rasmi ah k...
20/01/2026

Xafiiska Hindisaha Horumarinta Muqdishada Cusub (New Mogadishu Development Corporation - NMDC) waxaa booqasho rasmi ah ku yimid Agaasimaha Guud (DG) ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya (Ministry of Transport And Civil Aviation Somalia), Mudane 𝗖𝘂𝗺𝗮𝗿 𝗖𝗮𝗹𝗶 𝗔𝗳𝗿𝗮𝘅, iyo qubaro ka socota Wasaaradda qeybaheeda kala duwan.

Intii uu kulanku socday, Agaasimaha Guud (DG) iyo wafdigiisa waxaa la wadaagnay warbixin dhammaystiran oo faahfaahsan oo ku saabsan hab-hawleedka Xafiiska NMDC, qaab-dhismeedka mashaariicda Muqdishada Cusub, iyo qeybaha istiraatiijiga ah ee uu ka kooban yahay Garoonka Caalamiga ah ee 𝗡𝗲𝘄 𝗠𝗼𝗴𝗮𝗱𝗶𝘀𝗵𝘂 𝗜𝗻𝘁𝗲𝗿𝗻𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗔𝗶𝗿𝗽𝗼𝗿𝘁 – 𝗡𝗠𝗜𝗔 iyo 𝗛𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗚𝗮𝗮𝗱𝗶𝗶𝗱𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗞𝗮𝗮𝗯𝗮𝘆𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮 𝗗𝗵𝗮𝗾𝗮𝗮𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗗𝗮𝗹𝗸𝗮.

Kulankan waxa uu xoojinayaayay wada shaqeynta hay’adda NMDC iyo Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Baaq iyo Ogeysiis Rasmi ah oo ku saabsan dhulka mashruuca Muqdishada Cusub.
14/01/2026

Baaq iyo Ogeysiis Rasmi ah oo ku saabsan dhulka mashruuca Muqdishada Cusub.

07/01/2026
Maanta, Xafiiska Hindisaha Horumarinta Muqdishada Cusub (New Mogadishu Development Corporation - NMDC) waxaa nagu soo bo...
06/01/2026

Maanta, Xafiiska Hindisaha Horumarinta Muqdishada Cusub (New Mogadishu Development Corporation - NMDC) waxaa nagu soo booqday Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya (Ministry of Transport And Civil Aviation Somalia) , Mudane Hon Mohamed Farah Nuh.

Wasiirka waxaan warbixin dhammaystiran oo faahfaahsan ka siinay Xafiiska NMDC sida uu u shaqeeyo iyo qaab-dhismeedka mashaariicda Muqdisha Cusub, iyo qeybaha uu ka kooban yahay Garoonka Caalamiga ah ee 𝗡𝗲𝘄 𝗠𝗼𝗴𝗮𝗱𝗶𝘀𝗵𝘂 𝗜𝗻𝘁𝗲𝗿𝗻𝗮𝘁𝗶𝗼𝗻𝗮𝗹 𝗔𝗶𝗿𝗽𝗼𝗿𝘁 - 𝗡𝗠𝗜𝗔.

Kulankaan waxa uu xoojinayaa isla-xisaabtan, daah-furnaan, iyo wada-shaqeyn istiraatiiji ah oo lagu horumarinayo kaabeyaasha gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, kuwaas oo laf-dhabar u ah kobaca dhaqaale iyo isku-xirnaanta mustaqbalka fog ee dalka.

𝗞𝗮𝗮𝗯𝗮𝘆𝗮𝗮𝗹 𝗱𝗵𝗮𝗯 𝗮𝗵 𝗹𝗮𝗺𝗮 𝘅𝗮𝘆𝗲𝘆𝘀𝗶𝗶𝘆𝗼 — 𝘄𝗮𝗮 𝗹𝗮 𝘀𝗵𝗮𝗿𝘅𝗮𝗮.Maalgashigan waxa uu ku dhisan yahay xog,waxa lagu maamulaa qaab-dhis...
04/01/2026

𝗞𝗮𝗮𝗯𝗮𝘆𝗮𝗮𝗹 𝗱𝗵𝗮𝗯 𝗮𝗵 𝗹𝗮𝗺𝗮 𝘅𝗮𝘆𝗲𝘆𝘀𝗶𝗶𝘆𝗼 — 𝘄𝗮𝗮 𝗹𝗮 𝘀𝗵𝗮𝗿𝘅𝗮𝗮.

Maalgashigan waxa uu ku dhisan yahay xog,
waxa lagu maamulaa qaab-dhismeed xirfadeed,
waxaana loo qaabeeyay in uu dakhliga dalka sare u qaado mustabalka dhow iyo kan fogba.

Address

NMDC Business Suite
Mogadishu
00252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when New Mogadishu Development Corporation - NMDC posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to New Mogadishu Development Corporation - NMDC:

Share