Midnimo Microfinance Institution company MMIC

Midnimo Microfinance Institution company MMIC waxaan Taageernaa ganacsiyada yaryar iyo dhalinyarada hal-abuurka leh iyada oo an bixino maalgelin iyo adeegyo maaliyadeed oo fudud oo la heli karo.

31/05/2026

Guusha Macaamiisheena Waa Guusheenna: Sheekada Koboca Ganacsiga Marwo Kaabe

Waxaan maanta booqasho ku tagtay mid ka mid ah macaamiisheena ka faa'iideystay adeegga Marwo Kaabe Women Financing.

Intii lagu guda jiray booqashada, waxaan la yeelanay wareysi ku saabsan saameynta maalgelinta ay ka heshay MMIC, koboca ganacsigeeda, iyo horumarka ay gaartay tan iyo markii la siiyay taageerada maaliyadeed.

Waxay nala wadaagtay in maalgelintu ka caawisay ballaarinta ganacsigeeda, kordhinta dakhligeeda, iyo horumarinta adeegyada ay siiso macaamiisheeda.

MMIC waxay ku faantaa guulaha macaamiisheeda, gaar ahaan haweenka ganacsatada ah ee door muhiim ah ka qaata horumarinta dhaqaalaha qoysaskooda iyo bulshada Soomaaliyeed.

Marwo Kaabe, Maalgelin Korisa Ganacsiga Haweenka Soomaaliyeed.

Saadaali oo ku guuleeyso Abaalmarin $20 Dollar ah Sharuudaha:1- Like saar Page-ka.2- Share-garee Post-ga.3- Saadaalintu ...
30/05/2026

Saadaali oo ku guuleeyso Abaalmarin $20 Dollar ah

Sharuudaha:
1- Like saar Page-ka.
2- Share-garee Post-ga.
3- Saadaalintu waxay ku egtahay ciyaarta marka ay bilaabato.

F.G: Waxaa guuleysan doona qof kaugu horeeya saadaasha ee sida saxda ah u saadaaliya ciyaarta, Haddii aadan shuruudaha wada buuxin qofka buuxiya ee kaa dambeeyay baa abaal-marinta heli doona.

Nasiib wacan

NATIIJADA BARAAMIJKA NASIIBKA CIIDDAWaxaan idinla wadaageynaa in aan la helin numberkii guusha oo ahaa 81Mahadsanidiin d...
30/05/2026

NATIIJADA BARAAMIJKA NASIIBKA CIIDDA

Waxaan idinla wadaageynaa in aan la helin numberkii guusha oo ahaa 81

Mahadsanidiin dhammaan ka qaybqaadashadiinna iyo taageeradiinna joogtada ah. Fursado iyo abaalmarino kale ayaa idin soo socda Insha Allah.

Nasiib wacan dhammaantiin!









26/05/2026

๐—–๐—ถ๐—ถ๐—ฑ ๐—ช๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—ด๐˜€๐—ฎ๐—ป.

Maamulka iyo shaqaalaha Midnimo microfinance institution company waxay hambalyo iyo bogaadin ku aaddan munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxaa u dirayaan dhammaan shacabka Muslimiinta ah, gaar ahaan macaamiisheena qiimaha badan.

Waxaan Alle SWT ka baryeynaa inuu naga aqbalo acmaasha wanaagsan, Soonka, ducada iyo cibaadada maalmahan kheyrka badan.

ูƒู„ ุนุงู… ูˆุฃู†ุชู… ุจุฎูŠุฑ ุชู‚ุจู„ ุงู„ู„ู‡ ู…ู†ุง ูˆู…ู†ูƒู… ุตุงู„ุญ ุงู„ุฃุนู…ุงู„

25/05/2026

Shuruudaha guuleeystaha waa:
1: inaad doorato numberka u dhaxeeya 1-110 kadibna comentga kusoo qorto, hadii numberka saxda ah haleesho wankulasoo hadli doonaa
2: inaad bage ka follow dhahdo
3: inaad comment sadex saaxibadaa ah ku soo mention gareeyso
4:inaad repost dhahdo muuqaalada bage ku jiro

Waxaan idiin rajeeyneeynaa ciid barakeeysan, iyo guul๐Ÿ’ฏ

24/05/2026

Adeegyada aan bixino ee e/fursad waxaad ku helikartaa dhamaan camerooyinka kala duwan, iyo waxwalba oo quseeya electronica

Talo Ganacsi oo Muhiim ah oo ku Socota SMEs-ka SoomaaliyeedGanacsiga guuleysta ma ku dhismo maalgelin keliya, balse wuxu...
24/05/2026

Talo Ganacsi oo Muhiim ah oo ku Socota SMEs-ka Soomaaliyeed

Ganacsiga guuleysta ma ku dhismo maalgelin keliya, balse wuxuu ku dhismaa qorsheyn wanaagsan, maareyn dhaqaale oo sax ah, iyo goโ€™aan ganacsi oo xikmad leh.

waxaan macaamiisheena ganacsiyada siinaa kadib maalgalin tababaro aay ku hormariyaan ganacsigood waxaana ku tababarnaa -----

โœ”๏ธ Nidaamka Kala diiwaangelinta dakhliga iyo kharashaadka
โœ”๏ธ Kayd dhaqaale sameystaan
โœ”๏ธ Maalgashadaan kobaca ganacsigooda
โœ”๏ธ Dhisaan kalsoonida macaamiisha
โœ”๏ธ Ka faaโ€™iideystaan fursadaha maalgelinta iyo tababarrada ganacsi

Ganacsi yar oo si wanaagsan loo maareeyo maanta, wuxuu noqon karaa shirkad weyn berrito.

MMIC, waxaan garab taaganahay kobaca ganacsiyada Soomaaliyeed iyo horumarinta dhaqaalaha bulshada.

Jimco Wanaagsan | 5-ta Dul-Xijjah Maalmahan barakeysan ee Dul-Xijjah waa maalmo kheyr iyo ajar badan leh. Aynu badino du...
22/05/2026

Jimco Wanaagsan | 5-ta Dul-Xijjah

Maalmahan barakeysan ee Dul-Xijjah waa maalmo kheyr iyo ajar badan leh. Aynu badino ducada, dikriga, sadaqada iyo camalka wanaagsan. ๐Ÿคฒ๐ŸŒ™

ุงู„ู„ู‡ู… ุงุฌุนู„ ู„ู†ุง ููŠ ุฃูŠุงู… ุฐูŠ ุงู„ุญุฌุฉ ู†ุตูŠุจู‹ุง ู…ู† ุงู„ุฑุญู…ุฉ ูˆุงู„ู…ุบูุฑุฉ ูˆุงู„ู‚ุจูˆู„ุŒ ูˆุงูƒุชุจ ู„ู†ุง ุงู„ุฎูŠุฑ ูˆุงู„ุจุฑูƒุฉ ูˆุงู„ุณุนุงุฏุฉ ููŠ ุงู„ุฏู†ูŠุง ูˆุงู„ุขุฎุฑุฉ.

Jimcadan barakeysan Alle ha inaga dhigo kuwii laga aqbalo acmaasha wanaagsan, dambigana laga dhaafo.










Hadda Qaado, Hadhow Bixi!Ma u baahan tahay telefoon cusub, tablet, computer / laptop ama qalab casri ah?Midnimo Microfin...
21/05/2026

Hadda Qaado, Hadhow Bixi!

Ma u baahan tahay telefoon cusub, tablet, computer / laptop ama qalab casri ah?

Midnimo Microfinance waxay kuu fududeyneysaa inaad maanta hesho waxaad rabto adigoo si tartiib ah u bixinaya.

โœ… Alaab casri ah
โœ… Lacag bixin fudud
โœ… Adeeg degdeg ah
โœ… Fursad qof walba u furan

๐Ÿ“ฉ Nala soo xariir maanta oo ka faaโ€™iidayso adeegga E-FURSAD.

๐Ÿ“ž Wac: 810199












20/05/2026

Adigoo shaqo lagaa sugaayo waligaa tiktok ma iska gashay?๐Ÿ˜ณ

Address

Maka Almukaram Road Taleex Hodan District
Mogadishu

Opening Hours

Monday 08:00 - 16:30
Tuesday 08:00 - 16:00
Wednesday 08:00 - 16:00
Thursday 08:00 - 16:00
Saturday 08:00 - 16:00
Sunday 08:00 - 16:00

Telephone

+252614868571

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Midnimo Microfinance Institution company MMIC posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Midnimo Microfinance Institution company MMIC:

Share