14/03/2025
Sadaqadu cibaado eebbe loogu dhawaado inay tahay marka Laga yimaaddo,ii oggolaada inaan dhinac kale oo ay leedahayna idinka tuso.
Inaad hal dollar oo moobilkaaga ku jira sarrifto oo aad Laba saddex miskiin u qaybisaa,waa arrin maalintaada qurxinaysa,mode—kaagana wanaajinaysa oo kaa dhigaysa inaad isku aragto qof jira oo waxtar leh.
Waa mid kamid ah xalalka dhibaatooyinkaaga nafsadeed aad ku xallin karto adiga oo aan cid ku caawisaba u tagin,haddii aad joogtaysana waa arrin farxad joogto ah kuu abuuri doonta Iyo deganaansho.