Diiroow Trading Company

Diiroow  Trading  Company Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Diiroow Trading Company, Balad Weyn.

17/05/2025
04/09/2021

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlay kiiska Ikraan Tahaliil Faarax ayaa sheegay in aan lagu qanci karin xogtii Hay’adda Nabad Sugidda, isagoo faray Agaasimaha NISA in uu 48 saac gudohood ku soo gudbiyo warbixin dhammeystiran, shacabkana ugu baaqay in ay is dajiyaan.

10/08/2021

Habka Doorashooyinka madaxweyne iyo kuwo baarlamaani ah Aay Uga Dhacayan Dalka

08/08/2021

War Murtiyeed Xaaladda Siyaasadeed ee Dalka
Ra’isul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble

07/08/2021

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo gudanaya waajibaadka dastuuriga ah ee ka saran ilaalinta Hantida Qaran iyo madaxbannaanida dalkeenna ayaa Xeer Madaxweyne ku joojiyay in Hay’adaha Dowladdu ay galaan heshiis ama is af-garad kasta oo taabanaya siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga dalka.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO WAREEGTO KAGA XAYIRAY HEY’ADAHA DOWLADDA HESHIISYADA IYO IS-AFGARADYADA XILLIGA DOORASHADAMuqdish...
07/08/2021

MADAXWEYNE FARMAAJO OO WAREEGTO KAGA XAYIRAY HEY’ADAHA DOWLADDA HESHIISYADA IYO IS-AFGARADYADA XILLIGA DOORASHADA

Muqdisho, Ogoosto 07, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo gudanaya waajibaadka dastuuriga ah ee ka saran ilaalinta Hantida Qaran iyo madaxbannaanida dalkeenna ayaa Xeer Madaxweyne ku joojiyay in Hay’adaha Dowladdu ay galaan heshiis ama is af-garad kasta oo taabanaya siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga dalka.

Madaxweynaha oo tixgelinaya duruufaha siyaasadeed iyo habsami u socodka hannaanka doorashooyinka dalka, waajibaadka dastuuriga ah ee Goleyaasha Barlamaanka oo leh hubinta, xaqiijinta iyo qiimeynta heshiisyada iyo is-afgaradyada dalkeenna uu la galayo dalalka kale, hay’adaha iyo shirkadaha caalamiga ayaa soo saaray qodobbadan:

1. Waxaa Xeer Madaxweyne lagu hakiyey, ilaa doorashada kaddib, heshiisyada Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya sida Xukuumadda iyo laamaha kale ee fulintu ay la galayaan dalalka kale, Hay’adaha iyo shirkadaha caalamiga ah.

2. Waxaa reebban, ilaa doorashada keddib, in Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee Dowladda ay magaca Dowladda Federaalka Soomaaliya ku galaan is-afgarad ama wadahadallo saameynaya mustaqbalka dalka, madaxbannaanida qaranka, seeraha dhuleed iyo badeed ee dalkeenna.

3. Waxaa la joojiyay in heshiis ama is-afgarad ganacsi lala galo dowlado kale inta doorashooyinka dalka lagu guda jiro.

4. Sida ku caddeyd warsaxafaadeedkii kasoo baxay Madaxtooyada Jamhuuriyadda 19kii Jannaayo 2018 oo qeexayay inaan la bixin karin hantida danta guud, lana saxiixi karin heshiis kasta oo ku saabsan kala wareejinta, kireynta iyo qaab kasta oo la xiriira ka macaashka hantida danta guud.

5. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray dhammaan Hay’adaha Dowladda in ay ilaaliyaan sharafka, qarannimada iyo horumarka lagu tallaabsaday sanadihii u dambeeyay.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

E-mail: [email protected]
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter:

07/08/2021

Gudiga Doorashooyinka Gobalada Waqooyi ee Soomaliland Garabka uu Magacaabay Cabdi Xaashi ayaa iyaguna doortay Gudoomiye iyo Gudoomiye ku Xigeen.

07/08/2021

Ra'isul wasaare Rooble Oo Ku Fashilmay Gudiga Doorashooyinka Gobolada Woqooji
Kadib Markay 2 Ukala Jabeen Ow Mid Waliba Garkisa Udoortay Gudoomiye iyo ku Xigeen

07/08/2021

Xiisadaha Siyaasadeed Oo ka Taagan Hirshaeelle &, Ninka Is Doortay Oo Ku Jahwareersan Xal U Helista Doorashoyinka

06/08/2021

Mid kamid ah Labadii Garab ee Gudiga Doorashooyinka Kuraasta Gobalada Waqooyi ayaa Shaaciyay in Maalinta Barito ah aysan ka Qeybgalayn Doorashada Gudiga ee Lagu Qabanayo Teendhada Xerada Ciidamada Cirka.

03/08/2021

Yasin Waa Nin Reer Owxasan ah
Jisne Waa Nin Marixaan ah
Ee Yaan Waxba Shati Dowladeed leskuso Gashan Soomaalina Wey Istaqana
Madax Khoyan Ayaa Qalali Donoo oo aay masul ka Yahiin Fahad iyo Kulane?

03/08/2021

Nabadonka Mamulka Gal mudug Oo Dholatus Malateri Kasameyay Eraborka Dhusomareeb
Kana So Horjedo Boobka Kurasta reer Mudug Aay Ku Wadan Nimanki Dadka Nool Iibsanay Waa N&N

Address

Balad Weyn

Telephone

+252611323260

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Diiroow Trading Company posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Diiroow Trading Company:

Share