08/09/2026
:Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay munaasabad heer sare ah oo lagu soo dhaweeynayay Guutada 21-aad ee Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, kuwaas oo tababarro ciidan kusoo dhammaystay dalka Turkiga.
Munaasabadda soo dhaweynta oo ay soo qabanqaabiyeen saraakiisha Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, ayaa waxaa hormuud ka ahaa Taliyaha Qaybta 1-aad, Gaashaanle Sare Saahid Faraax Jaamac, waxaana ka qeyb galay saraakiil, ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, fanaaniin iyo marti sharaf kale.
Guutadda 21-aad ayaa muddo tababarro ciidan oo gaar ah kusoo qaatay dalka Turkiga, waxaana ay hadda dib ugu soo laabteen dalka si ay uga qeyb qaataan gudashada waajibaadka qaran ee loo igmaday.
Munaasabadda waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Taliyeyaasha Guutooyinka 17-aad iyo 19-aad ee Kumaandooska Gorgor iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Taliyaha Qaybta 1-aad ee Kumaandooska Gorgor, Gaashaanle Sare Saahid Faraax Jaamac, oo khudbad ka jeediyay munaasabadda, ayaa soo dhaweeyay ciidamadan cusub, isagoo xusay in laga filayo inay si hufan uga qeyb qaataan gudashada waajibaadka ciidannimo ee loo igmaday.
Dhankiisa, Taliyaha Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor, Gaashaanle Sare Maxamed Axmed (Col. Lacag), ayaa uga mahadceliyay saraakiisha iyo ciidamada soo dhaweynta loo sameeyay, isagoo ciidamadan kula dardaarmay inay aqoonta iyo tababarka ay kusoo barteen dalka Turkiga uga faa’iideeyaan dalkooda iyo dadkooda, isla markaana ay ilaaliyaan anshaxa iyo waajibaadka ciidannimo.