Iqra personal development iyo fursadaha sida scholarships, courses, planners, books and trainings .

28/01/2025
27/01/2025

10/10/2024

Qaado masuuliyada naftaada
🌺 markii aad aqbasho masuuliyada naftaada waa marka aad heleysid awooda aad ku badali lahayd waxyaabaha naftaada quseeyo.
🌺 Ogow majiro qof dhamesytiran, waa qaldameenaa, wax qaldana sheegnaa, waa kufeenaa, waa kaceenaa hadana waa nool nahay, waa imtixaan ka aduunyada ku dadaal istiqfaarta.

Naftaada Jeclow oo ka taxadar💖🌷marka h**e muhiimada naftaada sii , maxaa yeelay markaa adiga is wanaajiso oo wanaag dare...
06/10/2024

Naftaada Jeclow oo ka taxadar💖

🌷marka h**e muhiimada naftaada sii , maxaa yeelay markaa adiga is wanaajiso oo wanaag dareento wax yaabaha kale ee agagaar kaaga ah waxey noqonayan kuwa wanaagsan.

🌷Haka baryin qof kale inuu jaceyl kusiiyo, kula joogo iyo waqti , dhiirigalin, daneen i.w.m kusiiyo, intaasba adigaa naftaada siin kara markaa adiga isjeclaato ayaa lagu jeclaanayaa oo lagu wanaajinayaa.

🌷 Ka taxadar cuntadaada, hurdaada iyo caafimaad kaagaba sida ay uwanaagsanan lahaayen .

🌷Ku dadaal ruuxdaada, maankaaga iyo jirkaaga sidaa ugu quudin lahayd cibaadada, waxbarashada iyo jimicsigbaa.

🌷Ku dadaal sidaa energy gaada uga ilaashan lahayd dadka kaa xadaya.

🌷 Baro sidaa naftaada uxakameyn lahayd.

Share↗️ Like👍comment
W/Q Iqra Abdullahi Elmi

"si wanaagsan uga fikir marka ay arimuhu xumaadaan hal maalin, waayo taasi waxey noqon kartaa horudhac maalin kale oo ay...
24/07/2024

"si wanaagsan uga fikir marka ay arimuhu xumaadaan hal maalin, waayo taasi waxey noqon kartaa horudhac maalin kale oo ay ka buuxaan farxad iyo raynrayn".

Sabaaxal wardi🌺" Ha udareemin murugo inaad qaar kamid ah shaqooyinka aadan dhammayn karin, laakiin waa inaad fahamtaa in...
21/07/2024

Sabaaxal wardi🌺

" Ha udareemin murugo inaad qaar kamid ah shaqooyinka aadan dhammayn karin, laakiin waa inaad fahamtaa in shaqada dadka waaweyn aan waligeed dhamaanin" 🌻

17/07/2024

Dadka dhaqaalaha soo gala maarayntiisa afar qaybood ayay u qaybsamaan oo kala ah:

1. Dad waxa soo gala wada isticmaala, dheeraadna ku sii darsada oo bil kasta deyni soo raacdo.
Noocani inta badan waa kuwo jeeb madhan ,hadii ay lacag yari jeebkooda soo gashana waxa ay markaba ka fikiraan sidii ay u gubi lahaayeen. Sida oo kale waa dad qalbi wanaagsan oo jecel waxii la hayo markaa in lawada cuno ,barrina illaahaybaa jooga! .

2. Kuwo waxa soo gala wada isticmaala deynna aan lagu yeelan, oo wixii soo gala isku filnaysiiya.
Qaybtan soomaalidu waxa ay ku tilmaamtaa calooshooda u shaqaystayaal,mana jecla in lacagtooda lala wadaago oo waa kaligood noolayaal inta badan.

3. Qayb waxa soo gala wax kala hadha, balse meel iskaga rida,hadhawna aan sida saxda ah uga
faa’idaysan kaydkoodii . Noocani inta ay lacag fiican kaydiyaan ayay shay aan qiimo badan kusoo kordhinayn galiyaan,sida in ay gaadhi cusub iibsadaan ,taleefan qaali ah IWM.

4. Dad dhaqaalaha soo gala qayb ka mida kaydsada , ka dib maalgelin sax ah oo ay ka fiirsadeen ku sameeya, si lacagtaasi ugu shaqayso oo lacag kale u soo saarto .

Dhigaalka ama kaydsashada qayb ka mida xoolahii aad shaqaysatay waa halka ay ka bilaabanto in aad noqoto qof isku filan .

FG: Marka aad maalin-galin samaynayso iska hubi in ay xoolahaasu kasoo laaban karaan meesha aad galinayso hadhow.

Adresse

Lyon

Site Web

Notifications

Soyez le premier à savoir et laissez-nous vous envoyer un courriel lorsque Iqra publie des nouvelles et des promotions. Votre adresse e-mail ne sera pas utilisée à d'autres fins, et vous pouvez vous désabonner à tout moment.

Partager

Type