TVET Bureau

TVET Bureau Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from TVET Bureau, Jijiga.

Barnaamijka qalin-jabinta ee ardayda fasalka 12-aad ayaa la hirgelin doonaa sannadkan. Wasiirka waxbarashada, Getahun Me...
06/10/2020

Barnaamijka qalin-jabinta ee ardayda fasalka 12-aad ayaa la hirgelin doonaa sannadkan.

Wasiirka waxbarashada, Getahun Mekuria, ayaa u sheegay ABC News in barnaamijka qalin jabinta ee fasalka 12aad la fulin doono sanadkan iyada oo la waafajinayo dib u habeynta waxbarashada iyo tababarada ee socda.

Iyadoo la raacayo, ardayda dugsiga xannaanada h**e ee sayniska dabiiciga waxay si joogto ah u qaataan koorsooyinka xisaabta, Ingiriisiga, teknolojiyada macluumaadka, bayoolajiga, fiisikiska iyo kiimikada waxayna helaan hal tababar oo xirfadeed oo ku saabsan meeshuu doortay. Waxbarashada xirfadeed ee ikhtiyaariga ah ee loogu talagalay ardayda ku jirta cilmiga sayniska dabiiciga waa cilmiga beeraha, sayniska caafimaadka, farsamada wax soo saarka, tikniyoolajiyadda macluumaadka iyo teknolojiyadda dhismaha.

Dhinaca kale, ardayda dhigata iskuulka diyaarinta ee cilmiga bulshada caadi ahaan waa Ingiriis, xisaab, teknolojiyad macluumaad, taariikh, juqraafi iyo ganacsi iyo dhaqaale. Koorsooyinka ikhtiyaariga ah ee ardayda sayniska bulshada waxaa ka mid ah shaqada bulshada, ganacsiga iyo dhaqaalaha, iyo farshaxanka.

Wasiirka waxbarashada Getahun Mukaraba ayaa u sheegay ABC in ardayda wax ka barata dabeecada iyo cilmiga bulshada ay qaadan doonaan 16 koorso maadada ay doorteen inta lagu guda jiro maalmaha iskuulka .// FTA

Ku soo biir Kanaalka Telegram ee wakaaladeena adigoo gujinaya xiriirka soo socda:

31/05/2020

1. HORDHAC
Daraasaad iyo qiimayno lagu sameeyey shaqo abuurka muwaadiniinta dalka ayaa waxaa lagu ogaaday in ay jiraan muwaadiniin badan oo shaqo la’aan ah tiradooduna dhantahay ku dhawaad 39% noloshooduna ka hoosayso heerka saboolnimada ee laysla waafaqsanyahay. Dhanka kale waxaa la ogaaday in horumarka warshadaha dalka iyo wax soosaar koodu aad u hooseeyo. Sababta keentay inay hoos udhacaan waxsoosarka warshaduhuna waxaa saamaynta ugu weyn kuleh helida xirfadlayaal aqoon tooda laysku halayn karo oo adkaatay. Hadaba waxaa laysla qaatay dal ahaan in xirfadlayaashu noqdaan kuwo ilaa heer caalami ka tartami kara iyadoo nidaamka tababarada xirfadaha iyo frasamada (TXF) ay diirada saarayaan baahida xirfadaha kaladuwan ee ka jira dhanka warshadaha dalka iyo degaanka.
Sanadkii 1999 kii waxaa la soo diyaariyey lana dhaqan-galiyey siyaasadaha iyo qorshayaasha sida; istaraatajiyadda tababarka xirfadaha iyo farsamada ee heer qaran iyo qorshaha kobaca dhaqaalaha waara ee degdeg ah silo cidhib tiro saboolnimada (plan for accelerated and sustatianed development to end poverty).
Ayadoo laga duulayo dib u dhicii iyo horumar la’aan tii soo daashatay guud ahaan dalka gaar ahaana degaanka soomalida, taas oo ay sababeen cadaadiskii dawladihii boqortooyada iyo nidaamkii kalidii taliska ahaa ee dergiga ayaa waxaa loo baahday cudud xirfalayaal hoose iyo dhexe. Xirfadlayashaa oo leh aqoon iyo karti kana qayb qaata horumarka dalka iyo kan degaanka iyo dhisida shirkado yar-yar oo mustaqbalka is ku badala warshado.
Sidaadaraadeed, dawlada degaanka oo uu hogaaminayo XDSHSI ayaa go’aamisay in la aas-aaso Xafiiska Tabbarada Xirfadaha iyo Farsamada (TXF) ee DDSI sanadkii 2002T.I. Sababaha ugu waaweyn ee xafiiska loo aas-aasayna ay ka mid ahayd si looga jawaabo baahiyaha tababarada xirfadaha iyo farsamada ee ay xaqa u leeyihiin muwaadiniintu si ay uga qayb qaataan horumarka dalka iyo ka degaanka loona dhimo saboolnimada.

1.1. Hadafka iyo Himilada Xafiiska
Himilada
In la arko muwaadiniin xirfadooda lagu kalsoon yahay oo gacan ka gaysta kobcinta washadaha degaanka iyo kor u qaadida nolasha bulshada deegaanka, si loo cidhibtiro saboolnimada sanada 2017 T.I.
Hadafka
In lasoo saaro cucud xirfadlayaal kartidooda lagu kalsoonyahay oo kaqaybqaata horumarka dalka iyo kan degaanka islamarkaana la soosaaro farsamooyin casri ah lana abuuro shirkado yaryar oo tartami kara, doormuhiimana ka cayaara horumarinta warshadaha korna loogu qaado horumarinta dhaqaalaha bulshada deegaanka

02/12/2018

Xafiiska tababarada xirfadaha iyo farsamada wuxuu laga dhabar yahay siyaaasada dhimista saboolnimada islamarkaana wuxuu wuxuu mudiniinta deegaanka siinayaaa xirfado leh baahi suuq islamarkaana shaqo abuur usamaynaya sidoo lagarab istaagaya adeega fidinta warshadaha oo kakooban afar xidhmood si ay uga taryamaab suuuqyada dalka deegaanka iyo heercaalam aan barano xirfado kala Dewan si aan saboolnimada uga baxno guud deegaanka soomaalida

17/09/2018

Address

Jijiga

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when TVET Bureau posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share