Abwaan Cabdikariim Kaariye

  • Home
  • Abwaan Cabdikariim Kaariye

Abwaan Cabdikariim Kaariye Hawd & Reserved Area Meteorological Center
Waa xarun bixisa warbixinno sax ah oo ku saabsan cimilada iyo saadaasha Hawd & Reserved Area.

Waxaan bulshada la wadaagnaa xog ku saabsan heerkulka, roobabka, dabaylaha, iyo digniinaha cimilada si loo taageero be

04/08/2025

Caddaalad-darro Joogto Ah: Cabashada Shacabka Hawd & Reserved Area ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya

By: Abdikariim Kaariye
August 2025

Deegaanka Hawd & Reserved Area ee ku yaalla xadka Itoobiya iyo Somaliland waa mid kamid ah dhulka ugu ballaaran ee uu degan yahay bulshada Soomaaliyeed ee gobolka, balse wuxuu si weyn u wajahayaa takoorka maamul, dhaqaale, iyo amni. Shacabka deegaankaas ayaa muddo sanado ah bixiyay canshuur aad u badan iyagoo aan waxba ka helin dib ugu noqoshada canshuurtaas oo loogu beddelo adeegyo bulsho sida waddooyin, caafimaad, waxbarasho ama maamulka deegaanka.

Canshuur la bixiyaa, horumar lama helo

Shacabka deegaanka ayaa sheegay in canshuurta laga qaado sanad kasta ay si joogto ah u kororto – iyadoo sanadka 2023 halkii beer laga qaaday 1500 birr, sanadka 2024 laga qaaday 2500 birr, halka sanadkan 2025 la gaarsiiyay 3900 birr. Tani waxay muujinaysaa in saddexdii sano ee la soo dhaafay ay canshuurtu korortay in ka badan 100%, iyadoo aan wax adeeg ah loo helin.

Maamul la'aan iyo xuquuqda la duudsiyay

Inkasta oo deegaanka Hawd & Reserved Area uu leeyahay dhul aad u weyn oo baaxad ahaan ka weyn gobollo iyo degmooyin badan oo ka tirsan Ismaamulka Soomaalida, wali laba degmo oo keliya ayaa laga sameeyay halkaas. Waxaa si isdaba joog ah loo arkaa in deegaamada kale – gaar ahaan kuwa ay degan yihiin beelo gaar ah – si joogto ah loo magacaabo gobollo iyo degmooyin, halka deegaanka Hawd la iska dayacay.

Lacag shacabka laga ururiyay oo la lunsaday

Dhibaatooyinka kale ee cabashooyinka lagu sheegay waxaa kamid ah lacag gaadhaysa 10 milyan oo birr oo laga ururiyay qabalayada Harta Sheekh, Wera Bejiro iyo Allaybadey si waddo loogu dhiso. Lacagtaas kadibna wax waddo ah lagama fulin, shacabka laftigiisa oo cod dheer ku dalbaday isla xisaabtan ayaa la caburiyay, iyadoo qofkii hadla la xiro ama la cabsi geliyo.

Eex ciidan iyo caburinta shacabka

Ciidanka Liyuu Police ayaa lagu eedeeyay in si cad ay u garab istaagaan beelo gaar ah – iyadoo hub loo siiyo ama dagaal beeleed la garab galo. Waxaa sidoo kale dhacday in dad rayid ah guryahooda laga raro si xoog ah loona dejiyo beelo kale, taas oo sii hurisay isku dhacyada bulshada. Shacabka deegaanka ayaa sheegaya in xaaladdu tahay mid sii xumaanaysa oo u baahan xal degdeg ah.

Baaq shacabka

Shacabka deegaanka Hawd & Reserved Area waxay si cad u sheegayaan:

In aanay sii aqbalayn dulmiga iyo takoorka maamulka;

In ay xaq u leeyihiin adeegyo la mid ah kuwa deegaamada kale ee Ismaamulka Soomaalida;

In aanay bixin doonin canshuur haddii aan waxba laga qaban deegaanka;

In ay xaq u leeyihiin inay is difaacaan haddii ciidamo lagu caburiyo shacabka.

Gabagabo

Cabashada shacabka Hawd & Reserved Area waa mid dhab ah oo ku salaysan xaqiiqooyin caddaan ah – canshuur la bixiyo, adeeg la’aan, maamul la’aan, iyo cadaalad darro dhinac kasta ah. Waxaa waajib ah in la dhageysto codkooda, loo sameeyo degmooyin iyo adeegyo bulsho, laguna beddelo nidaamka hadda jira ee cadaalad darrada ah.

HAWD & RESERVED AREA – CANSHUURTA WAAN BIXINAA, HORUMARNA MA HELNO!Anaga oo ah shacabka deegaanka Hawd & Reserved Area w...
04/08/2025

HAWD & RESERVED AREA – CANSHUURTA WAAN BIXINAA, HORUMARNA MA HELNO!

Anaga oo ah shacabka deegaanka Hawd & Reserved Area waxaan muujinaynaa cabasho dhab ah oo ku saleysan xaqiiq iyo dulmi socday sanado badan. Deegaankeenna waa mid aad u baaxad weyn, canshuur badan laga qaado, balse nasiib daro wax horumar ah lama helin – xitaa hal mashruuc dowladeed laguma fulin.

✅ Dhibaatooyinka ka jira deegaanka:

Sanad kasta canshuur ayaa nalaga qaadayaa, iyadoo wax adeeg ah aan la helin.

Sadexdii sano ee u dambeeyay cashuurtu waxay korodhay sanadkasta 50% cashuurtii sanadkii h**e

Hal degmo keliya ayaa naloo qoondeeyay, halka deegaano ka yaryar yihiin gobollo iyo degmooyin badan. Markastana la sameeyo degmooyin waxana u dambaysay bishan aan hada kasoo baxnay ee july

Ciidamada Liyuu Police waxay si cad uga garab dagaalamaan beelo gaar ah, waxayna shacabka qaar ku ridaan guryohoodii si xoog ah.

Lacag malaayiin birr ah ayaa laga ururiyey qabalayada Harta Sheekh, Wera Bejiro iyo Allaybadey si waddo loo dhiso – wax waddo ah lagama qaban illaa hadda!

📢 Shacabku wuxuu leeyahay:

Ma aqbalayno dulmi iyo kala sarayn joogto ah.
Ma bixinayno canshuur haddii wax naloo qaban waayo.

Waxaan xaq u leenahay inaan iska difaacno haddii ciidan iyo xoog la adeegsado.

Waxaan codsanaynaa:

In si deg deg ah wax looga qabto cabashooyinka shacabka.

In deegaanka Hawd & Reserved Area uu helo adeegyo iyo maamul u dhigma baaxaddiisa iyo canshuurta uu bixiyo.

In laga daayo shacabka caburinta, dhacda iyo eexda beeleed ee ciidan.

Address

Wajaake Allaybadey Wera Bejiro

Telephone

+252634262429

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abwaan Cabdikariim Kaariye posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Abwaan Cabdikariim Kaariye:

  • Want your business to be the top-listed Finance Company?

Share